Wararka ka imaanaya xuduuda Soomaalida la wadaagto Kiinya ayaa sheegaya in meel u dhexeysa degmooyinka Mandheera iyo Buulo xaawo maanta laga maqlay qaraxyo miino oo sida loo maleeyey u ekaa kuwo dhulka lagu aasay.
Qaraxyadan aya lala eegtay baabuur ay saarnaayeen ciidamada wadanka Kiinya ee ku sugan xuduuda, inkastoo aan la ogeyn khasaarha rasmiga ee ka soo gaarey qaraxyadan.
Dad ku sugan degmada Buulo xaawo ayaa sheegay shabakadda Somalimirror in qaraxyada oo ahaa labo miino iskuna xigay ay dheceen abaare 11:00 ee barqonim waxaana xiligaasi meesha qaraxyadu ka dheceen marayey ciidamo roondo ah oo Kiinyaatiga ah.
Ma jirto wax war ah oo ka soo axay dhanka booliska Kiinya oo ay kaga hadleen qaraxydan mana jirto sidaasoo kale cid sheegatey.
Degmada Buulo xaawo ayaa ah degmo xiriir la ;eh dhanka Kiinya iyadoo dadka reer Buulo xaawo ay ganacsi iyo waxbarshaba ku xiran yihiin dhanka Mandheera waxaana la soo sheegayaa in qaraxyada maant ay saameyn ku yeesheen dadka u socdaali jirey dhanka Kiinya.
Wuxuunaa qaraxani noqonayaa midkii ugu horeeyey oo lala beegsado gawaari ay leeyihiin ciidanka Kiinya oo ku sugan meel u dhow xuduudka Soomaaliya.

Related posts: