Kulan gogoldhig loogu samaynayey jaamacad la furayo oo ka dhacay Galdogob

Published on July 27, 2011 by   ·   3 Comments   ·   print

Kulan ballaaran oo gogoldhig loogu samaynayey furitaanka faraca Galdogob ee Jaamacadda Bariga Afrika ayaa galabta oo ah 26 july 2011 lagu qabtay xarunta Machadka Imamu Bukhari ee magaalada Galdogob.

Kulankaan gaarka ah oo ay ka soo qaybgaleen maamulka machadka, macallimiintiisa, ardaydii sannaakaan ka qalinjabisey, waalidiinta, guddoomiyaha faraca Galdogob ee Jaamacadda Bariga Afrika iyo marti sharaf kale ayaa waxaa warbixin ku saabsan Machadka Imamu Bukhari ka soo jeediyey guddoomiye kuxigeenka board-ka machadka Mudane Axmed Maxamed Xasan (Orshe) iyo maamulaha machadka Sh. Maxamuud Cabdisahal, waxayna si faahfaahsan uga hadleen taariikhda iyo waxqabadka machadka, iyagoo sheegay in imtixaankii qalinjabinta ay sannadkaan u fariisteen 98 arday, machadkuna uu qayb weyn ka qaatay dhiirrigalinta waxbarashada, uuna sabab u yahay hirgalinta faraca Galdogob ee Jaamacadda Bariga Afrika.

Waxaa kale oo kulanka ka hadlay Guddoomiyaha faraca Galdogob ee JBA Ustaad Bashiir Warsame Maxamed iyo Sheekh Mahad Cabdullaahi oo labaduba warbixin ka bixiyey taariikhda iyo waxqabadka JBA, waxayna sheegeen in jaamacadda oo saldhiggeedu yahay magaalada Boosaaso ay horay u furtay labo farac oo ku kala yaal Gaalkacyo iyo Garoowe, kan Galdogobna uu noqonayo faricii afraad. Jaamacadda oo ah tan ugu weyn, uguna horraysey jaamacadaha laga furay P/land waxaa la aasaasay sannadkii 1999kii, waxayna hadda ka koobantahay shan kulliyadood oo kala ah Shareecada, Waxbarashada, Maamulka, Computerka iyo Caafimaadka, lana filayo in kulliyado kale lagu kordhiyo.

Waxay kaloo ka hadleen sababaha keenay in Galdogob laga furo jaamacad, ujeedooyinka laga leeyahay iyo faa’iidooyinka ugu jira ardayda iyo deegaankaba, waxayna xuseen inay ardayda u sahlayso waxbarashadii loo aadi lahaa magaalooyin fog fog ama dalal dibadda ah, waalidkana ay ka fududaynayso kharashkii faraha badnaa ee kaga bixi lahaa deegaanka, biilka iyo safarada ardayda. Waxay kaloo jaamacaddu u soo kordhin doontaa deegaanka aqoon sare, wacyi, tartan aqooneed, sumcad, horumar guud iyo xiriir
wacan oo uu la yeesho deeganada Soomaaliyeed ee ay ka kala imaanayaan ardayda iyo macallimiinta jaamacaddu.

Guddoomiyaha faraca Galdogob ee JBA oo ka mid ahaa macallimiinta jaamacadda, horayna maamule uga ahaa Machadka Ibnu Xajar oo JBA raacsan wuxuu xusay in maamulka sare ee jaamacaddu aad u soo dhaweeyay wafdigii culumada iyo aqoonyahanka ahaa ee u bandhigay in jaamacaddu farac ka furto magaalada Galdogob, wuxuuna muujiyey maamulka sare ee jaamacddu kalsoonida uu ku qabo in magaaladu ku guulaysan doonto taabbagalinta jaamacadda, ayna si weyn uga faa’iidaysan doonto. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in sannadkaan la bilaabayo kulliyadda shareecada, is diiwaangalinta ardayduna bilaaban doonto shanta Ramadaan.

Sh. Mahad C/laahi wuxuu si gaara u tibaaxay in furitaanka jaamacaddu ka dhashay mirodhalka Machadka Imamu Bukhari iyo kororka dugsiyada sare ee degmada Galdogob, wuxuuna sheegay in Machadka ka sokow sannadkaan arday ka qalinjabisey
dugsiyada sare ee C/shamsi, Galdogob sare iyo Idamaale oo isagu ku yaal magaalada Bursaalax, lana filayo in sannadaha soo socda laga qalinjabiyo dugsiga Alnuur.

Ka dib waxaa hadal kooban soo jeediyey guddoomiyaha Raabidada Macaahidda Sharciga Sh. Axmed C/samad, wuxuuna tilmaamay in Machadka Imamu Bukhaari laga gaaray ujeeddadii loo aasaasay, raggii maamulayeyna ay ku guulaysteen taabbagalintiisa iyo joogtayntiisa, wuxuuna u mahadceliyey dadweynaha deegaanka iyo jaaliyadaha dibadda oo dusha u ritay baahida dhaqaale ee machadka. Wuxuu kaloo sheegay in dhawaan la aasaasay Raabidada Macaahida Sharciga; si loo mideeyo manaahijta waxbarashada macaahida, sarena loogu qaado iskaashigooda iyo tayadooda waxbarasho, lana rajaynayo in macaahida sharciga ahi ku tillaabsan doonaan horumar weyn.

Wuxuu kaloo ku boorriyey ardayda iyo waalidiinta inay ka faa’iidaystaan jaamacadda guryohooda loogu keenay, ayna u huraan wax yar oo ka mida xoolaha badan ee lagu bixiyo magaha iyo dhibta ay gaystaan dadka waxbarashadu seegtay.

Gabagabadii waxaa kalimad gaaban kulanka ka soo jeediyey C/risaaq Jaamac Cabbaas oo ku hadlayey magaca waalidiinta iyo jaaliayadaha dibadda, wuxuuna ku boorriyey ardayda, waalidiinta iyo dadweynahaba inay xoog saaraan waxbarashada, ayna
wixii tabartood ah u huraan waxbarashada ubadkooda, wuxuuna yiri: dadka xaasaska iyo carruurta ku haysta dibadda farxad weyn bay u tahay horumarka waxbarasho ee dalkeena ka hanaqaaday, waxayna ku boorrinaysaa inay dalkooda dib ugu soo noqdaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dr. Axmed X. C/raxmaan oo Dawro Cilmi ah ka Bilaabay Galdogob
  2. Xafladii Xiritaanka Mac-hadka Imaamul Bukhaari oo ka Dhacday Xarunta Mac-Hadka ee Magaalada Galdogob.
  3. Warbixin: Waxbarashada Galdogob oo waa cusub u baryay
  4. Isbitaalkii guud ee Magaalada Galdogob oo si rasmi ah loo furey
  5. Xaflad qalinjabin iyo abaalmarin ah oo loo qabtqay ardayada Machadka Al-Faaruuq ee Gaalkacyo

Readers Comments (3)

  1. Axmed yare says:

    Waa tillaabo taariikhi ah oo uu ku farxayo qof kasta oo dadkiisa iyo dalkiisa khayr la jecel, waana mashruuc mudan in wax weyn loo huro.

    Waan u hambalyaynayaa reer galdogob, waxaana leeyahay Ilaahay ha idinku guuleeyo.

  2. Leelkase says:

    Waa kulan wacan kulankani waxaanse ka jeclaan lahaa kulan ku saabsan mid lagu dhisayo maamul goboleed looga madax banaananayo maamul isku sheega Buntiland.

  3. Yariiso says:

    Finally its a time! i am happy to say that we wanted long time to heard and see talk like this and hope to move in a positive direction. now hopefully todays generation and the gerneration to come will have thier shot in a smarter future.good on u odayaasha galdogob. our actions shall speak for them selves




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dr. Axmed X. C/raxmaan oo Dawro Cilmi ah ka Bilaabay Galdogob
  2. Xafladii Xiritaanka Mac-hadka Imaamul Bukhaari oo ka Dhacday Xarunta Mac-Hadka ee Magaalada Galdogob.
  3. Warbixin: Waxbarashada Galdogob oo waa cusub u baryay
  4. Isbitaalkii guud ee Magaalada Galdogob oo si rasmi ah loo furey
  5. Xaflad qalinjabin iyo abaalmarin ah oo loo qabtqay ardayada Machadka Al-Faaruuq ee Gaalkacyo

Latest Headlines