Dawlada Sacuudiga oo $60 milyan ugu deeqday abaaraha Soomaaliya

Published on July 27, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

War murtiyeed maanta ka soo baxay dawlada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in dawlada boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu caadeeyey in sawlada Sacuudiga ay 60 milyan oo doolr uu deeqeyso dadka abaaraha ay ku saameeyeen wadanka Soomaaliya.

Ka dib kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiiradda dalka Sacuudiga uuna Guddoomiye ka ahaa Boqor Cabdullaahi binu Cabdulcasiis Aala-sacuud ayaa lagu sheegay in Sacuudigu diyaar u yahay caawinta walaalahooda Soomaalida ee abaartu hayso.

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Sacuudiga Cabdicasiis Qawja ayaa u sheegay Saxaafadda in lacagta deeqda ah 50 milyan oo kamid ah loogu talagalay sidii loo gaarsiin lahaa raashin deg deg ah dadka abaartu saameysay,wuxuuna sidoo kale sheegay in 10 milyan ee kalena loogu talagalay daawooyin iyo cunada soo celisa nafaqada carruurta yar yar.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dawlada Sacuudiga ay kala shaqeyneyso Hay’adaha WFP iyo WHO sidii deg deg loogu gaarsiin lahaa raashinka iyo daawooyinka dadka dhibaatada abaartu haysato.

Dawladda Sacuudiga ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in ka hor bisha Ramadaan ay gudaha Soomaaliya  gaarsiin doonto timir deer ah si guud ahaan Soomaalidu uga faa’idaysato bisha barakaysan ee Ramadaan oo fooda inagu soo heysa.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. $20 Milyan oo Maalin qura Sacuudiga looga deeqay Shacabka Bakistan oo daadad ku dhufteen.
  2. Warbixin sir ah oo shaaca ka qaaday shixnad hub ah oo dawlada Aljeeriya ugu deeqday DFKMG ee Soomaaliya
  3. Jaamacadda Carabta oo Qabanaysa Shir ku saabsan Somaila & Sacuudiga oo 18 Milyan ugu Deeqay DKMG ah.
  4. Jarmalka oo 7-Milyan ugu deeqaya dadka ku tabaaleysan abaaraha geeska Afrika
  5. Dawlada Imaaradka oo codsatay in Xayiraada hubka laga qaado Soomaaliya

Readers Comments (1)

  1. Taala allahu amr al maliki.

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. $20 Milyan oo Maalin qura Sacuudiga looga deeqay Shacabka Bakistan oo daadad ku dhufteen.
  2. Warbixin sir ah oo shaaca ka qaaday shixnad hub ah oo dawlada Aljeeriya ugu deeqday DFKMG ee Soomaaliya
  3. Jaamacadda Carabta oo Qabanaysa Shir ku saabsan Somaila & Sacuudiga oo 18 Milyan ugu Deeqay DKMG ah.
  4. Jarmalka oo 7-Milyan ugu deeqaya dadka ku tabaaleysan abaaraha geeska Afrika
  5. Dawlada Imaaradka oo codsatay in Xayiraada hubka laga qaado Soomaaliya

Latest Headlines