Dad khasaare hantiyeed geystay oo maanta qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla Ceelasha Biyaha

Published on July 27, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Dab xoogan oo duhurnimadii maanta qabsaday dhisme ganacsi oo ku yaalla deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa soo gaarey illaa galabta.

Dabka ayaa ka bilowday kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla meel u dhow saldhiga booliska ee Ceelasha biyaha waxaana markii dambe uu ku sii faafay gobo kale oo ka agdhowaa kuwaasoo ka sameysan jiingado.

Illaa hadda waxaa inta la og yahay ku dhaawacmay hal ruux iyadoo u ku basbeelay kaalinkii shidaalka ee dabku uu ka kacay.

Dadka deegaanka ayaa sameeyey gurmad xoogan iyagoo la arkayey biyo iyo ciid ay dadku ku deminayeen dabka laakiin dab  demis la’aan jirta awgeed ayaa dabku sii socdey illaa galabta.

Dabka maanta ka kacay deegaanka Ceelasha biyaha oo ka mid ah meelaha dadka ugu badan ay degan yihiin ayaa ku soo beegmay maalin ka dib iyadoo dab ka kacay suuqa degmada Xamarweyne uu baaabi’iyey gobo ganacsi oo halkaasi ku yiiley.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Goobo Ganacsi oo laga Qaaday Hareeraha Wadooyinka Ceelasha Biyaha.
  2. Dab khasaare sababay oo xalay qabsaday goobo ganacsi degmada Salagle
  3. Dab Xalay qabsaday Goobo ganacsi oo kuyaal Bariga B/weyne.
  4. Israsaaseyn khasaare geysatey oo ka dhacdey Ceelasha Biyaha
  5. Sheekh Xaley lagu diley Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Goobo Ganacsi oo laga Qaaday Hareeraha Wadooyinka Ceelasha Biyaha.
  2. Dab khasaare sababay oo xalay qabsaday goobo ganacsi degmada Salagle
  3. Dab Xalay qabsaday Goobo ganacsi oo kuyaal Bariga B/weyne.
  4. Israsaaseyn khasaare geysatey oo ka dhacdey Ceelasha Biyaha
  5. Sheekh Xaley lagu diley Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Latest Headlines