Saraakiisha UN-ka oo dhowaanahan booqashooyin ku kala bixinayey qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya oo ad fara badan ay ku soo barakeceen ayaa sheegay in maanta oo Talaada ah ay bilaabi doonaan inay gargaar cunto soo gaarsiiyaan gudha Soomaaliya.
Kulan magaalada Neyroobi ay ku qaateen saraakisha hay’adaha UN-ka ayey ku sheegeen in Maanta oo Talaada ah ay gaarsiinayaan garoonka Muqdisho shixnado raashiin ah oo loogu talagalay dadka ku tabaaleysan gudaha wadanka Soomaaliya.
Haweeneyda agaasimaha ka ah hay’ada WFP Josetta Sheeran ayaa sheegtay in xaalada adag ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya iyo sida loogu baahi qabo in deg deg loo wajaho wax ka qabashada dadka faraha badan ee abaaruhu ay saameeyeen darteed inay gargaarka ku qaadi doonaan diyaarado kuwasoo geynaya garoonka Muqdisho.
Hadalka haweeneydaasi ayaa soo baxay maalmo ka dib markii gargaar cunto aad u tayo sareysa oo ka timid dawladaKuwaitay soo gaartay magaalada Muqdisho taasoo lagu eenay diyaarado ay leedahay dawladaKuwait. Hase yeeshee WFP ayaa hadda u muqata inay ku dayaneyso dawladaKuwaitmarka loo eego sida deg dega iyo hinaasaha leh ee ay u hadashay Josetta Sheeran.
Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya ma ahayn kuwa bilawday maanta iyo shalay, balse waxay taagan yihiin in ka badan 8 bilood oo xiriir h oo dad iyo duunyo ay maalin kasta u dhimanayaan gaajo, biyo la’aan ama xannuuno. Waxaase xusid mudan in mudadaasi saraakiisha UN-ka inay maalin kasta booqasho ku imaanayeen gudaha Soomaaliya.
Laakiin su’aasha kale ee shacabka Soomaaliyeed ay isweydiinayaan isla markaana ay doonayaan inay ogaadaan ayaa ah raashiinka WFP u soo sido Muqdisho miyuu la mid noqon karaa kii ay keeneen dawlaha Kuwait iyo Imaaraadka iyo midka tabarucaada ay isaga soo ururiyeen shacabka Soomaaliyeed dhexdooda oo isugu jirey baariis, saliid, caano iyo timir mise waxay WFP diyaradaha ku keeni doontaa galley qalalan oo ay ka soo iibisay beeraleyda Mareykanka iyo Australia?

Related posts: