Xaflad qalinjabin iyo abaalmarin ah oo loo qabtqay ardayada Machadka Al-Faaruuq ee Gaalkacyo

Published on July 23, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Waxaa galabnimadii Jimcaha 15-07-2011 lagu qabtay hoolka shirarka  Amal Palaza ee maagaalada Gaalkacyo xaflad qalinjabin ah oo loo qabta araday sannadkaan dhamaysay Machadka  Al-faaruuq ee daraasaadka Islaamiga iyo Carabiga.

Xafladdaas oo si qurux badan loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Dalladda Macaahida sharciga, Guddoonka waxbarashada gobolka, Culimaa’udiin, maamulka iyo macallimiinta machadka, waalidiinta, ardayda machadka iyo  marti sharaf kale.

 Aayado Qur’aan ah markii xafladda lagu furay kadib waxaa kalmad wacdi ah ka soo jeediyey Sh. C̷/qani Qorane Maxamed, wuxuuna ardayda ku dhiirrigaliyey inay waxbarashada ku dadaalaan, wuxuuna muujiyey qiimaha  uu leeyahay qofka waxbartay.

Kadib waxaa hadalka lagu soo dhweeyey maamulaha Machadka Sh. Cilmi Yuusuf Axmed oo warbixin kooban ka bixiyey xaaladda machadka, taas oo uu uga hadlay xilligii la furay, tirada ardayda hadda dhigata, inta lood ee machadka ka qalinjabisay intii uu furnaa, wuxuuna sheegay inay  afar lood oo ka kooban wiilal iyo gabdhoba dhameeyeen machadka, qaar badan oo ka mid ahna ay jaamacadaha dhigtaan.

Waxaa kaloo maamuluhu intaas ku daray in uu machadku xubin ka yahay Dalladda macaahida sharciga oo ay ku midaysanyihiin macaahida ku kala taal gobolada kala duwan ee dalka.

Waxaa asna xafladda kalmad ka jeediyey maamulaha  jimciyadda Tadaamun laanteeda Gaalkacyo, wuxuuna aad ugu hambalyeeyey ardayda ka qalinjabisay machadka, isagoo talooyin wax ku ool ahna u soo jeediyey ardayda iyo waalidiintaba.

Waxaa isna madasha hadal kooban ka soo jeediyey madaxa dalladda macaahidda shariicada Sh.Axmed C/samad, wuxuuna ardayda ku baraarujiyey waxa looga baahanyahay iyo waajibka saaran xag aqooneed iyo xag dacwoba. Wuxuu kaloo ka warbixiyey dalladda ay ku midaysanyihiin macaahiddu iyo waxyaalaha ay qaban doonto, sida: tababarka maamulka iyo macallimiinta, midaynta shahaadooyinka iyo deeq waxbarasho loo raadiyo ardayda dhammaysa macaahidaas.

Ugu dambayntii waxaa soo gunaanaday xafladda guddoomiyaha waxbarashada gobolka Mudug Dr. Bashiir Axmed khalaf, wuxuuna sheegay in macaahidda diinta Islaamka lagu barto ay tahay wax dalka k cusub oo awal barashada diintu ay ku koobnaan jirtay masaajidda iyo jaamacadaha, taasoo uu ku tilmaamay arrin aad u wanaagsan oo horumar ah. wuxuu kaloo intaas ku daray in uu ku faraxsanyahay midaynta macaahidda ee xagga manhajka, ayna ahayd arrin loo baahnaa.

Ugu dambayntii waxaa halkaa  lagu goddoonsiiyey ardaydii dhammaysay machadka shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan, xafladdiina waxay ku dhammaatay guul iyo farxad.

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Machadka Saylac ee G/Awdal oo Gu’ jirsaday.
  2. Xafladda qalin jabinta dufcaddii koowaad ee machadka Ibnu Kathiir ee Ceerigaabo [SAWIRRO]
  3. dafcaddii shanaad oo ka qalin jabisay machadka dacwada ee hargeysa
  4. 63 Arday oo ka qalinjabisay Jaamacada PSU-Garowe oo Xaflad loo Qabtay
  5. Kulankii macaahidda shareecada oo maanta la soo gabagabeeyay

Readers Comments (1)

  1. Mansha’alah wan uhanbalyaynaya ardada walalahayga ah ee qalanjabisay waxana kaxasusta ardadi qalanjabisay 1:axmad cabdikariim cumar 2:cabdikafi maxamud cilmi 3:yaxye cabdulahi jamac 4:axmad maxamad cabdirisaaq 5:cabdulahi jamac aadan 6:cabdirixman cabdisalam xirsi 7:cabdirixman yusuf xasan 8:cabdulahi xasan cabdulqadir 9:abubakar siciid maxamad iyo wiliba kuwa kalo aad ufarabadan waxana leyahay ardadi qalanjabisay hanbalyo hanbalyo hanbalyo noqda kuwi dalkoda iyo diintodaba wax uqabta




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Machadka Saylac ee G/Awdal oo Gu’ jirsaday.
  2. Xafladda qalin jabinta dufcaddii koowaad ee machadka Ibnu Kathiir ee Ceerigaabo [SAWIRRO]
  3. dafcaddii shanaad oo ka qalin jabisay machadka dacwada ee hargeysa
  4. 63 Arday oo ka qalinjabisay Jaamacada PSU-Garowe oo Xaflad loo Qabtay
  5. Kulankii macaahidda shareecada oo maanta la soo gabagabeeyay

Latest Headlines