Xafladda qalin jabinta dufcaddii koowaad ee machadka Ibnu Kathiir ee Ceerigaabo [SAWIRRO]

Published on July 16, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Maanta oo ay taariikhdu tahay 12/08/1432H, kuna began 13/07/2011m.     waxaa lagu qabtay xarunta dugsiga hoose dhexe ee madarasadda Imaamu shaafici  xafladda qalin jabinta dufcaddii u horeysay ee machadka  ibnu Kathiir ee culuumta shareecada  ee magaalada ceeri gaabo.

Waxaana ugu horayn  lagu furay xafladdaas aayado Quraan ah , kadibna waxaa lagu soo dhaweeyay maamulaha machadka  sheekh Caliyuusufcali, waxaanu warbixin kooban ka kabixiy  taarikhda machadka iyo bilowgiisii isagoo tilmaamay in machadka la aasaasay 20-2-1430H, kuna began, 15-2-2009. Taasoo maamuluhu sheegay in   bilowgii machadka lagu furay  toban arday marba marka ka dambaysana soo kordhayeen ardaydu imikana tirada ardayda ee machadka dhigataa tahay 338 arday. Waxaana intaa dheer ardayda  loo diyaarinayo inay ku soo biiraan machadka.

 

Tirada macallimiinta ee machadka wax ka dhigtaa waa 9 macallin    fasaladda uu ka kooban yahay machadku  waa 3 fasal  iyo xafiiskoodii , sheekh  cali waxaa kale oo  tilmaamay in ardayda qaadanaysa shahaadadu dhantahay  65 oo la guddoonsiinayo shahaadooyinka .

 

Ugu dambayna waxaa maamuluhu tilmaamay in Culimada  machadka wax ka dhigtaa ka kala yimaadeen  magaalada ceerigaabo iyo gobolada kaleba. Isagoo mahad usoo jeediyay cid kasta oo ka qayb qaadatay hawlaha machadka iyo socodsiintiisaba .

 

Intaa ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay sh. Xasan xuseen ibraahim oo ka mid ah culimada magaalada ceerigaabo  waxaanu ugu horrayn u mahaa celiyay  culimada ka soo qayb gashay iyo dawaynaha kaleba mar labaadna waxa uu dardaaran dhaxal gal ah  u soo jeediyay  ardayda qalin  jabisay , isaga oo ku dhiiri galiyay ardaydaas in ardaydu ka faa’iidaystaan jaamacadaha dalka ku yaalla ka  dibna digriiga u raadsadaan jaamacadaha dibadda wixii aanay ka helayn gudaha.

Waxaa mar kale lagu wareejiyay ardayda ka qalin jabisay machadka iyagoo ku soo bandhigay wax ka mid ah casharadii ay ku qaateen machadka uguna mahad celiyay macallimiinta iyo maamulkii ku soo dadaalay wax barashadoodaba.

Intaa ka dib waxa hadalka lagu soo dhaweeyay  sh. Maxamed  sh. Cumar dirir  isaga oo sheekhu u  mahad celiyay bulshada ka soo qayb gashay xafladdan , waxaa kale oo sheekhu sheegay in dadka baranaya cilmiga shareecada aanay ka diin iyo duunyo yaraan doonin kuwa maadiga dhigta ee kaga fiicnaan doonaan    waxaana muhiim ah in culimo la  soo saaro waayo baahi badan ayaa jirta iyo aqoon daro diineed , waxaanan ku waanin lahaa raga soo saaray ardaydan in aan la sii kala dayn inta aanay jaamacadaha tegin  ee loo diro degmooyinka iyo tuulooyinka kala duwan si iyaguna dadka uga jaahil saaraan diintooda , dhalinyaradana waxaan usoo jeedin lahaa in aanay magaalooyinka ku yaacin ee dadka u faa’iideeyaan  . waalidkana ilmahooda hakula dadaalo diinta  oo ugu yaraan ha u kala qaybiyo caruurtiisa culuumta kala duwan . waxaanu sheekhu aad ugu booriyay hablaha in ay hamigooda saraysiiyaan oo isu dhigaan in sheekhado noqdaan, sidoo kale dawladda waa in hawlahan ay ka qayb qaataan waayo waa shaqadoodii iyo xilka umadda ay u hayaan.

Waxaa isna hadal halkaa ka soo jeediyay sheekh maxamed macalin axmed  oo ah hor muudka jaamacadda Bariga Afrika  ee magaalada boosaaso, waxaanu sheekhu sheegay in uu ugu hambalyaynayo ardayda qalin jabintan  isagoo sheegay in shahaadada la siinayo ardaydu aanay ahayn tii fatwada ee ay tahay tii dacwadda , waxyaabaha kar karkaarka ina waydaariyayna waxaa ka mid ah in qofku marka uu wax yar barto uu fatwo bixinayo.

Sheekhu waxa kale oo uu war bixin kooban ka bixiyay Jaamacadda Bariga Afrika  isagoo sheegay qaybaha ay ka koobantahay  jaamacaddu , waxaana uu sheegay in ardaydii ka qalin jabisay jaamacaddu ay  wax barasho ugu baxeen qaar bandanna ay soo noqdeen iyagoo soo diyaariyay takhasusaad kala duwan.

Isna waxaa hadal kooban soo jeediay Sh. Faysal Cali Faarax   isagoo goob joogayaasha u dar daarmay cabsida alle , waxaanu dhiirigaliyay  in lagu camal falo wixii la bartay waayo iyada ayaa lagu badbaadayaa,wax lagu tar tamana aqootaa ugu fiican.

Gaba gabadii xafladdaas waxaa soo gunaanaday ku xigeenka maayarka  magaalada ceeri gaabo , iyadoo  markii dambana la guddoonsiiyay ardaydii qalinjabisay  shahaadooyin iyo abaalmarino qiimo badan taas oo ay usoo diyaariyeen labada shirkadood ee Telesom iyo Golis.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. dafcaddii shanaad oo ka qalin jabisay machadka dacwada ee hargeysa
  2. Machadka Saylac ee G/Awdal oo Gu’ jirsaday.
  3. Masuuliiyiin ka tirsan DKMG oo ka qeybgalay xafladda 1-da Luulyo [SAWIRRO]
  4. Dufcadii ugu horeysay ee ka qalin jabisa Jaamacadda Nugaal ee M. Laascaanood oo lagu wado in Xaflad loo qabto 25 bishan
  5. Dufcadii ugu horeysay oo ka Qalin jabisay Jaamacada Nugaal ee Laascaanood

Readers Comments (1)

  1. maxamed says:

    Asc. maa shaa Allaah !!

    waa horumar u ku soo kordhay soomaalia-sanaag .jazaaka Allaahu cannaa khayran.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. dafcaddii shanaad oo ka qalin jabisay machadka dacwada ee hargeysa
  2. Machadka Saylac ee G/Awdal oo Gu’ jirsaday.
  3. Masuuliiyiin ka tirsan DKMG oo ka qeybgalay xafladda 1-da Luulyo [SAWIRRO]
  4. Dufcadii ugu horeysay ee ka qalin jabisa Jaamacadda Nugaal ee M. Laascaanood oo lagu wado in Xaflad loo qabto 25 bishan
  5. Dufcadii ugu horeysay oo ka Qalin jabisay Jaamacada Nugaal ee Laascaanood

Latest Headlines