Warar qarsoodi ah oo ay warbaahintu heshay ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada sirdoonka wadanka Pakistan ay qabteen ni dhakhtar ah oo sida la sheegay qeyb ka qaatay sidii lagu heley hide sidaha [DNA] hogaamiyihii geeriyooday ee Al-Qaacida Usama Bin Ladin.
Dhakhtarkan oo aan magaciisa la sheegin una dhashay wadanka Pakistan ayaa la xaqiijiyey inuu u fududeeyey sirdoonka Mareykanka inay ogaadaan nooca hidde sidaha ee Usama Bin Ladin, ka dib markii tallaal been ah uu ka fuliyey magaalada Abotabad iyo tuulooyin u dhow ka hor intii aan Bin Ladin lagu dilin magaalada Abotabad bishii May ee sanadkan.
Haweeney kalkaaliso ah oo ka mid ahayd shaqaalihii la shaqeynayey dhakhtarkan ayaa wariye Pakistani ah u sheegay in bishii April ay tageen iyada iyo ninka dhakhtarka ah magaalada Abbotabad iyo tuulo u dhow halkaasoo uu xilligaasi ku noolaa Bin Ladin, waxayna sheegtay in dhakhtarka uu xilligaasi sheegay inuu fulinayo olole tallaal ah oo si lacag la’aan ah looga fulinayo deegaanadaasi.
Haweeneyda kalkaalisada oo magaceeda ku sheegtay Mukhtar Bibi ayaa sheegtay in ninka dhakhtarka uu watay boors ay ku jireen qalab nooca korontada ku shaqeeya ah oo ay u soo dhiibeen sirdoonka Mareykanka waxaana qalabkaasi la dhigay gudaha gurigii uu deganaa Bin Ladino o ku yaalay magaalada Abotabad si xog looga helo.
Dhakhtarkan magaciisa la qariyey waxaa la xaqiijoyey in ka hor intii uusan bilaabin tallaalka uu fasax weydiistay saraakiisha waaxda caafimaadka ee Pakistan isagoo u sheegay in tallaalka uu wado uu yahay mid lacag la’aan ah laguna daweynayo caabuq dhanka beerka ku dhaca oo hadda meelo ka mid ah dunida ka jira, ka dibna saraakiisha caafimaadka ay u ogolaadeen.
Laakiin haweeneyda kalkaalisada u ahayd ninka dhakhtarka waxay sheegtay inaysan ogeyn ujeedka rasmiga ah ee ninkaasi inuu ahaa dilka Usama Bin Ladin hase yeeshee ay u heysatay arimo dhanka caafimaadka ah.
Tallaalkaasi waxaa la sheegay in la siiyo carruurta iyo haweenka ku nool deegaanka Abbotabad iyo hareerahiisa balse ujeedku wuxuu ahaa in dheecaano laga helo xubno ka mid ah qoyska Usama Bin Ladin maadaama xaas iyo carruur ay u deganaayeen magaalada Abotabad.
Waxayna arintaasi fududeysay in ka hor dilkii Bin Ladin la sii ogaado in shakhsiga guriga deganaa uu yahay Bin Ladin-kii dhabta ah ka dib ciidamada Mareykanka ay fuliyeen weerar qarsoodi ah oo xilli habeenimo ah ay ku dileen Usama Bin Ladin 2-dii May ee sanadkan.
Dawlada Pakistan, xaqiiq ahaan waxba kalama socon qorshahan waxaana saraakiisha sirdoonka ay hadda xireen ninka dhakhtarka ah iyagoo sheegay inay su’aalo weydiinayaan.
Saraakiil reer galbeed ah ayaa sheegay in tani ay tahay sababta ugu weyn ee dawlada Mareykanka uga goosatay deeqdii ay siin jirtay militariga Pakistan ka dib markii ciidanka sirdoonka Pakistan ay xireen ninkaasi dhakhtarka ah ee baaray dheecaanada hidde sidaha ee Bin Ladin.
RBC Radio

Related posts: