Bayaan kasoo baxay kulan cilmiyeedkii 8aad ee magaalada Qardho sanadka 1432H oo ku beegan 2011ka

Published on July 9, 2011 by   ·   4 Comments   ·   print

 بسم الله الرحمن الرحيم

Mahad idilkeed Allaah ayaa iska leh, nabadgelyo iyo ammaanna ha ahaato nabigeennii Muxammad ahaa eheladiisii, asxaabtiisii, atbaacdoodii iyo intii wanaag ku raacda tan iyo qiyaamaha dushooda, aamiin.

Kulan cilmiyeedkan socday laga soo bilaabo 03-dii bishan ilaa 08-da bishan oo caawa ah, isla markaana ay culimadu ku qaadaadhigeen mawaadiic aad loogu baahi qabay, ayaa waxaa culimada u muuqatay in ay gunaanadka kulankan kasoo saaraan bayaan:

 Baaq guud

1)   Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay Ilaahay ka cabsadaan una towbad keenaan meel walba oo ay joogaan, koox koox iyo kali kali intaba.

2)   Waxaan dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed madax iyo shacabba ugu baaqeynaa in ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka kana dhigtaan xeerka ay isku maamulaan kuna kala baxaan.

Beelaha diriraya

3)   Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo dhiigga xurmada leh ee xaqdarrada ku daadanaya, gaar ahaan dagaallada u dhexeeya beelaha walaalaha ah sida kuwa ku dagaallamaya deegaannada Karkaar, Bari, Gaalkacyo, Bacadweyne iyo Dhegtuur.

Dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya

4)   Waxaan caddeyneynaa xaaraamnimada dhiigga muslimiinta ee xaqdarrada lagu daadinayo iyo waajibnimada joojintiisa, annagoo ugu baaqeynaa garabyada isku haya siyaasadda Soomaaliya in ay khilaafkooda si nabadgelyo ah & wadahadal ku xalliyaan, shariicadana u gar dhiibtaan

5)       فإن تنازعتم في شيء فردوه إلى الله والرسول إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الآخر ذلك خير وأحسن تأويلا                                                                              annagoo xasuusineyna in diinta, danta iyo dalkuba ka dhexeeyaan, ayna badbaadiyaan hambada u hadhay ummadda Soomaaliyeed ee dal, dad iyo duunyaba leh.

Culimada iyo Ducaadda

6)   Waxaan ugu baaqeynaa culimada ku xeeldheer aqoonta diinta iyo ducaadda in ay u midoobaan si Alle ka cabsi lehna u gutaan xilka Ilaahay ka saaray bayaaninta xaqa iyo faafintiisa, bulshadana u tilmaamaan dariiqa badbaadadooda adduun iyo aakhiro, annagoo ku adkeyneyna in ay isu taagaan xallinta mushkiladda Soomaaliyeed ee raagtay.

Mukhaadaraadka

 7)   Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u caddeyneynaa xaaraamnimada wax walba oo maanka dooriya, sida qaadka, khamriga, xashiishka iwm, annagoo ugu baaqeyna dadka ku ibtiloobay maandooriyeyaashaas in ay Ilaahay uga towbad keenaan iskana daayaan. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa maamullada dalka ka dhisan in ay mamnuucaan ka ganacsiga iyo isticmaalka mukhaadaraadka ay diintu xarrimtay.

Dilalka qorshaysan

8)   Waxaan ka digeynaa dilalka qorsheysan ee lagu shirqoolayo amniga iyo xasilloonida bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah, annagoo caddeyneyna in uusan dhaqan islaam aheyn, Ilaahayna aanan loogu dhowaanin dilka qof muslim ah oo aan muteysan in la dilo, dadka falalkaas ku lugta lehna waxaan xusuusineynaa in ay iman doonto maalin Rabbi la is hor taagi doono.

Cidleynta dalka

9)   Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in aysan dalka cidleynin, taasoo ah sida cadowgoodu la rabo, annagoo  u caddeyneyna in aysan bannaaneyn in laga tago dhulka Islaamka, loona dhoofo dhulalka gaalada iyadoo aysan jirin baahi arrintaa qasbeysa, waxaa kale oo aan xasuusineynaa dadka sababta u ah in bulshadu ka qaxdo dalka, gaalana magansato in aakhiro la weydiin doono dayaca ka dhasha barakicinta ummadda.

Xaalufinta deegaanka iyo xidhmeysiga dhulka

10)            Waxaan ugu baaqeynaa dadka deegaanka xaalufinaya ee dhuxuleysanaya dhirtii dad iyo duunyaba ku dhaqnaayeen, in ay arrintaa ka waantoobaan Ilaahayna uga baqaan nabaadguurinta geyiga, annagoo u u caddeyneyna in ay xaaraam tahay aysanna bnnaaneyn in si gaar ah walibana xad-dhaaf ah loogu tagri falo waxa dadka ka dhexeeya. Waxaan sidoo kale u caddeyneynaa dadka xirmeysanaya dhulka daaqa leh ee dadka u dhexeeya inay yihiin dad daalimiin ah oo cunaya xaq aysan laheyn.

Gurmadka abaaraha

11)            Waxaan  ugu baaqeynaa qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo dadka Ilaahay ku galladystay maalka in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee abaaraha ba’ani nugleeyeen ee kasoo qaxay deegaannadii ay ku dhaqnaayeen kadib markey xoolihii dhaafeen, gaar ahaan deegaannada aanan helin roobabkii guga sida Bay & Bakool.

12) Shucuubta muslimiinta waxaan ugu baaqeynaa inay walaalahooda Soomaaliyeed lasoo gaaraan gurmad isugu jira muuqda iyo mid mooral, iyagoo ugu turaya tixgalinayana walaalnimada diineed ee Ilaahay ka dhexeysiiyay iyaga iyo shacabka Soomaaliyeed ee dabargo’a halista u ah.

Xiridda waddooyinka

13)            Waxaan caddyneynaa in aysan bannaaneyn in jidka ama waddada marinka ah ee ummadda ka dhexeysa la xirto, sida in deegaan laga dhigto, in dhegxaan jidgooya ah la dhigo iyo in bullaacado suuli laga qoto iwm.

Macaasida iyo fuxshiga faafaya

14) Waxaan bulshada uga digeynaa dhaqannada xunxun ee aan diinta ahaan iyo damiir ahaan bannaaneyn sida daawashada filimada, riwaayadaha, wada socodka wiilasha & gabdhaha aan is qabin iwm arrimahaas oo sababaya caro iyo ciqaab Eebbe.

15) Waxaan shacabka uga digeynaa in ay ku dhacaan dabinnada hey’ada kusoo duulay akhlaaqda iyo dhaqanka suubban ee soo jireenka ah.

Masaalixda caamka ah ee bulshada

16) Waxaan ugu baaqeynaa bulshada maamul iyo shacabba in ay iska kaashadaan daryeellidda iyo u adeegidda masaalixda ay wadaagga ku yihiin ee lafdhabarta u ah nolosha bani Aadamka sida, amniga, nadaafadda, waddooyinka, goobaha caafiaadka iyo waxbarashada iwm.

Gabagabo

Waxaan Ilaahay ka tuugeynaa in uu ummadda Soomaaliyeed ka tawbad aqbalo kana dulqaado dhibaatooyinka dabada dheeraaday ee ragaadiyey isaga ayaa wax walba awoodee.

Culimada Saxiixday Bayaanka

1)   Sh. C/Qaadir Nuur Faarax

2)   Dr. Bashiir Axmed salaad

3)   Dr. Axmed X. C/Raxmaan

4)   Sh. C/Naasir X. Axmed

5)   Sh. Xasan Maxamed Ibraahim

6)   Sh. Shuceyb X. Nuur

7)   Sh. C/Qani Qorane Maxamed



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maamulada Puntland iyo Galmudug oo bayaan kasoo saaray kulan mudooyinkan uga socday magaalada Garoowe [QORAALKII OO DHAN]
  2. Nadwadii 8aad oo caawa ka billaabatay magaalada Qardho
  3. Culimada ka qeyb gashay Kulan Cilmiyeedka 9aad ee ka socday Masjidka Al rowda oo gaba gabadii kulan cilmiyeedka Bayaan soo saaray
  4. Kulan cilmiyeedkii 9aad oo dhowaan ka furmi doona magaalada Boosaaso
  5. Kulan Cilmiyeedkii 9aad ee ka socday Masjidka Al Rowda ee Magaalada Boosaaso oo caawa la soo gabagabeeyay

Readers Comments (4)

  1. sheekha says:

    khayr ALLAAH ha siiyo , laakiin soomaalidu waxay tiraahdaa quraankoo dhan baan aqaan kaa akhrisan maayo baa ku filan .

  2. xasansomali says:

    WAA WAR WACAN ,LAAKIIN WAXAA KA DHIMAN IN CULIMADU AY QODOBKA 1AAD KA DHIGAAN,
    GAALO MADOWDA GUMAADSOM EE WADANKA HAYSATA,SIDII LAYSAGA XORAYN LAHAA,MUSHKILADUNA IYAGAA UASAL AH WIXII
    KALABA GUMAYSIGAN IYO DUULAANKAN SALIIBIGA AH AYUU HOOS IMANAYAA,SOOMAALIDU WAXAY TIRAAH MILIL GUUDKII LAMADHAYO,HADII AAN TAAS XAL LOO HELIN ARINTU SIDAN IYO SI KA XUN BAY KUSII SOCON,ALLAAH NASRIGIISU WAA HALKIISA.

  3. Shabeel says:

    intiisa badan bayaanku waa fican yahay lakin qodob ka mid ah oo la yiraahdo dhinacyada isku haya siyaasada somalia ayaa wadaada meel xun la galay allaah ha hanuuniyee.

    dhinac yada isku haya siyaasada somalia bal aan isla fiirino waa ::
    XARAKATU SHABAABUL MUJAAHIDIIN oo dhinac ah iyo dawlada kumeelgaarka ,Suufiyada amisom iyo beesha caalamka nimanka la baxay oo uu marayknaka hor muud ka yahay.

    wadaadoow kuwaas miyaa towbad keen ugu baaqeysaan? marka hore soo islaama dhaha

  4. zarqawe says:

    maansha allaah ilaah haka siiyo ajar miisaanka janadana laha usaaro cilimadu waa guteen masuuliyadoodii ee inagaa laynakarabaa in aan qaadao waanada iyoo sidiii aan wadanka udhisan lahayn




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maamulada Puntland iyo Galmudug oo bayaan kasoo saaray kulan mudooyinkan uga socday magaalada Garoowe [QORAALKII OO DHAN]
  2. Nadwadii 8aad oo caawa ka billaabatay magaalada Qardho
  3. Culimada ka qeyb gashay Kulan Cilmiyeedka 9aad ee ka socday Masjidka Al rowda oo gaba gabadii kulan cilmiyeedka Bayaan soo saaray
  4. Kulan cilmiyeedkii 9aad oo dhowaan ka furmi doona magaalada Boosaaso
  5. Kulan Cilmiyeedkii 9aad ee ka socday Masjidka Al Rowda ee Magaalada Boosaaso oo caawa la soo gabagabeeyay

Latest Headlines