Baaq nabadeed ku wajahan beelaha walaalaha ah ee Koofurta Mudug

Published on July 5, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Gudiga sare ee dhaqanka beelaha Koofurta Mudug [Habargidir] ee Norway waxay si naxariisleh uga codsanayaa Culumada, Dhaqan madaxeedka, Aqoonyahaynka iyo dhamaan qeybaha kale ee bulshada iney u istaagaan si hagar la’ aan ah in la joojiyo dhiiga daadanaya.

Waxaan dooneynaa in walaalaha dagaalamayaa ay si shuruud la-aan ah u joojiyaan dagaalka kasoo cusboonaada deegaamada Ximan iyo Xeeb iyo Deegaanka Galmudug, sida ugu dhaqsiyaha badan damiyo dabka colaada ee ka dhex shidan dadkaas walaalaha ah.

Sidoo kale in bulshada oo iskaashaneysa ay u istaagaan sidii xal looga gaari lahaa inuusan sii fidin siina dheeraan dagaalku.

Waana in dib loo eegaa halka xalku naga jiro. Meesha maantay rogaalcelin iyo rogaal celin laysugu habar wacanayo waa in laysugu habar wacdo sidii nabadi ku imaan lahayd. Waa waajib diiniya, mid deegaan iyo dadeed iyo mid dhaqan dhaqaaleba in colaadu meesha kabaxdo, fursadna lasiiyo nabada iyo kuwa nabada ehelka u ah.

Maantey iyo maalinkaleba colaadi agteena soodhaweyn yaaney ku yeelanin. Walaalaha hada u istaagey iney nabadi islaaxdana waxaan leenahay halasiiyo fursad ay ku gaaran dadaalkooda nabadeed.
Hadaba waxaan soo jeedineynaa sadexdaan qodob ee nuxurka baaqeena ah.

1- in xabad joojin aan shuruud lahayn ay ku dhawaaqaan madaxda maamulada Ximan iyo Xeeb iyo Kan Galmudug.
2- In lakala qaado ciidamada masaafo 15 klm ah, si fursad loosiiyo nabad wadayaasha iyo dhamaan qeybaha nabada u taagan ee deegaanka jooga.
3- In maamuladu ku dhawaaqaan iney diyaarinayaan gogol saamaxaysa in labadbaasho dhiiga dadka walaalahaa ee daadanaya xalna looga gaaro colaada ka soo cusboonaatey deegaamada ay degaan walaalaha Saleebaan iyo Sacad.

Hadaan nahay wax garadka Beelaha Habar gidir ee degen Dalka Norway waxaan si sare u leenahay waxaa na qancinkara waa iyada oo colaadu meesha kabaxdo caqliguna uu shaqeeyo Waxaan mar labaad iyo sadexaadba aan leenahay joojiya dhiiga daadanaya, xalkana gacmihiina ayuu ku jiraa ee hasugina cid meelkale idiinka timaada. Maxaa yeelay dadka deegaanku nabad baa deeqi karta, ee wax garadoow damiya dabka oo ogaada in Alle idin xisaabin doono maalin kale laydina weydiin doona waxa aad ka yeeshaan dhiiga daadanaya ee Alle xarimay daadintiisa.

Waxaan sidoo kale Fursadaan uga faa ii deysanaynaa inaan u tacsiyeeyno dhamaan intii ku dhimatay iyo eheladoodiiba in rabi samir kasiiyo geeridaas ku timid kuwii ay jeclaayeen.

Waxaan sidoo kel u duceynaynaa in Alle dhawaaca u saqiro intii ku dhaawacantay ayna ogaadaan in Alle jecel yahay maadaama uu ka badbaadshey iney ku baxaan masiibada ay ku dhaawacmeen. Waad ogtihiin inuu xaqdaro ahaa wixii aad ku dhaawacanteen waxaadna ahaan lahaydeen kuwa qasaara hadii aad ku bixi lahaydeen fidnadaas.

Kuwa ciidamada ah ee maantey loo dumayo iney qeyb ka ahaadaan colaadaas waxaan kula talineynaa iney midoobaan oo ay iska qabtaan kuwa fidnada abuurey waana hubnaa iney awoodaan iney sugaan amaanka deegaamada lagu dagaalay halka ay maskaxda ku heynlahaydeen colaad iyo kala aarsi. Hooy doqomoow yaad ka aarsaneysaan yaase u aareysaan waa kugu dhimey oo kaa dhimey.

Waano waxaan idiin siineynaa inaad naftiina xisaabtaan oo iidna halaajin, Majiro halaag kaweyn inaad dishaan naf aan waxba galabsan balse loodilayo waa reer hebel.

Waa qasaaro aduun waana qasaaro Aakhiro inaad kuseexataan kuna soo toostaan colaad iyo anaaniyo qabiil iyadoo dhexdiina ay joogaa xukaam diinta Islaamka ku xeel dheer. War Inaan Rabi caqliga idinka qaadin is dejiya oo xaalkiina u dhiibta dadka diinta u saaxiibka ah joojiyana colaad. waana inaad qaladkii dhacaba aad gacmihiina ku saxdaan oo aad ku kala baxdaan garsoor shareecada Islaamka waafaqsan. Xukunka eebe isku dhiiba oo Ahlu diinka talada u geeya waa hubaal markaas iniidna qasaareyn.

Rabi xaqa haydin waafajiyo dhamaan qeybaha bulshada ee Reer Xaaji Suleebaan iyo Sacadba.

Gudoonka sare ee beesha Habargidir ee Norway.
Baaqaya waxaa loo idmey inuu faafiyo
Nabadoon Abdirisaaq Tahlil Xassan Fanax “Dhagaweyne”
soyaal@gmail.com
Tlf. 4799226854
Oslo Norway.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. DKMG oo baaq nabadeed u dirtay dhinacyadii ku dagaalamay Mudug
  2. Xusbiyada S/land oo baaq nabadeed wada jir ugu diray Beelaha ku dirirey Ceel-berdaalle.
  3. Culimaa’udiinka gobalka Mudug oo baaq nabadeed u jeediyey bulshada guud ahaan
  4. Baaq Nabadeed oo ay Saareen Salaadiin & Culimo oo ku wajahan Shaqaaqaddii Ceel-Barde
  5. Khasaaraha dagaal maleeshiyooyin ku dhexmaray koofurta Mudug

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. DKMG oo baaq nabadeed u dirtay dhinacyadii ku dagaalamay Mudug
  2. Xusbiyada S/land oo baaq nabadeed wada jir ugu diray Beelaha ku dirirey Ceel-berdaalle.
  3. Culimaa’udiinka gobalka Mudug oo baaq nabadeed u jeediyey bulshada guud ahaan
  4. Baaq Nabadeed oo ay Saareen Salaadiin & Culimo oo ku wajahan Shaqaaqaddii Ceel-Barde
  5. Khasaaraha dagaal maleeshiyooyin ku dhexmaray koofurta Mudug

Latest Headlines