Shir madaxeedkii Qaaradda Afrika oo maanta ka furmaya casimada Ginni

Published on June 30, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Malabo ee xarunta wadanka Ginni uu ka furmo shir madaxeedka 17aad ee ururka Midowga Afrika kaasoo ay ka qeybgalayaan madax ka socota wadamada Afrika.

Shirkan oo soconaya saddex maalmood waxaa looga hadli doonaa arimo ay ka mid yihiin wadamad Soomaaliya, Suudaan, Liibya iyo arimo kale.

Waxaana shir madaxeedka maanta furmaya ka horeeyey shir googol xaar ahaa oo wasiirada arimaha dibadda wadamada Afrika ay ku yeesheen magaalada Malabo kaasoo lagu diyaariyey ajendaha shirka madaxda ee maanta furmaya.

Wadanka Soomaaliya waxaa shirka u metelaya wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah wasiirada dawlada.

Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa ka qeybgalaya shir madaxeedka 16aad ayaa haatan ku sugan caasimada Malabo ee xarunta wadanka Ginni iyagoo ka soo ambabaxay magaalada Addis ababa ee xarunta wadanka Ethiopia.

Waxaana arimaha sida aadka loo hadalhayo ka mid ah xaalada amaanka ee Soomaaliya, ciidamada Amisom iyo sidoo kale tageerada DKMG ay ka fileyso Midowga Afrika.

Sidoo kale arinta shirka ayaa inta uu socdo waxaa madaxda qaaradda Afrika ay ka hadli doonaan arinta wadanka Sudan oo bisha soo socota labo wadan kala noqoneysa iyo dagaalada Liibya.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Shirka Midowga Afrika oo Maanta Liibiya ka Furmaya.
  2. Shiikh Shariif oo maanta u dhoofay Adisababa xili waqtiga jiritaanka DKMG la hadalhayo
  3. Shir looga hadlayo Burcad Badeeda oo Furmaya
  4. Shirkii 14-aad ee Midowga Afrika oo lagu wado in uu Maanta ka furmo Adis Ababa loogana hadli doono xaaladaha Sudan iyo Soomaaliya ka jira
  5. Shir ku saabsan dhaqaalaha wadamada Carabta oo ka furmay Masar

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shirka Midowga Afrika oo Maanta Liibiya ka Furmaya.
  2. Shiikh Shariif oo maanta u dhoofay Adisababa xili waqtiga jiritaanka DKMG la hadalhayo
  3. Shir looga hadlayo Burcad Badeeda oo Furmaya
  4. Shirkii 14-aad ee Midowga Afrika oo lagu wado in uu Maanta ka furmo Adis Ababa loogana hadli doono xaaladaha Sudan iyo Soomaaliya ka jira
  5. Shir ku saabsan dhaqaalaha wadamada Carabta oo ka furmay Masar

Latest Headlines