Raysal wasaaraha DKMG oo gudoomay deeq ka timid Dowlada Iiraan

Published on June 30, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Raysal wasaaraha cusub ee DKMG ah Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz ayaa dekeda magaalada Muqdisho ku gudoomay deeq isugu jirtay raashiin iyo baabuur oo ka timid wadanka Iiraan taasoo shaley soo gartey dekeda magaalada Muqdisho.

Cabdiweli ayaa ugu horeyn u mahadceliyey dowlada iyo shacabka wadanka Iiraan isagoo sheegay inaysan ahayn markii ugu horeysay oo deeq sidan oo kale ah ay u soo diraan shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuuna intaasi ku daray in deeqdan ay dalka soo gaartey xilli ay dadku aad ugu baahnaayeen isla markaana si deg deg ah loo gaarsiin doono dadka ku tabaaleysan xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho.

Raysal wasaare Cabdiweli Maxamed Cali ayaa deeqda halkasi ku gudoomay, waxaana goob joog ka ahaa wasiirkaa gaashaandhiga DKMG ah iyo masuuliyiin kale.

Dhanka kale wuxuu Cabdiweli Maxamed Cali kormeer ku soo sameeyey dekda isagoo sheegay in DKMG ah ay muhimu aragto shaqada dekeda.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Magacaabista raysal wasaaraha cusub ee DKMG oo markale dib u dhacday
  2. Raysal Wasaaraha DKMG oo Magacaabay Wasiirada Cusub
  3. Wadatashiyo ku saabsan Magacaabista raysal wasaaraha cusub oo ka socda Xarunta Villa Soomaaliya
  4. Madaxwaynaha DKMG oo maanta magacaabay raysal wasaare Cusub
  5. Raysal wasaaraha KMG Soomaaliya oo maanta Shir saxaafadeed ku qabtey Muqdisho sheegeyna in Talada loo dhiibi doono Dhaqanka

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Magacaabista raysal wasaaraha cusub ee DKMG oo markale dib u dhacday
  2. Raysal Wasaaraha DKMG oo Magacaabay Wasiirada Cusub
  3. Wadatashiyo ku saabsan Magacaabista raysal wasaaraha cusub oo ka socda Xarunta Villa Soomaaliya
  4. Madaxwaynaha DKMG oo maanta magacaabay raysal wasaare Cusub
  5. Raysal wasaaraha KMG Soomaaliya oo maanta Shir saxaafadeed ku qabtey Muqdisho sheegeyna in Talada loo dhiibi doono Dhaqanka

Latest Headlines