Rabshado u dhexeeya dad mudaaharaadaya iyo booliska Masar oo ka soo cusboonaaday Caasimada Qaahira

Published on June 30, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Rabshado cusub oo u dhexeeya ciidamada booliska wadanka Masar iyo boqollaal dad mudaaharaadayaal ayaa ka dhacay markale magaalada Qaahira ee caasimada wadanka Masar iyadoo ay jiraan dad dhawacyo ay ka soo gaareen rabshadahan.

Warbaahinta wadanka Masar ayaa xaqiijisay in dad ku dhow 40 ruux ay ku dhaawacmeen ka dib mrkii dadkii dibadbaxa sameynayey iyo booliska ay isku dheceen fagaaraha Taxriir ee magaalada Qahira, waxaana mudaaharaadyada markii dambe ku fideen xarunta wasaarada arimaha gudaha.

Dadka ayaa markii hore ka banaanbaxay iyagoo dalbanayey in magdhow la siiyo dadkii ay asxaabtooda ku dhinteen rabshadihii kacdoonka ahaa ee dhawaan ka dhacay wadankaasi balse dibadbaxa ayaa noqday mid iska hor imaad ah.

Dad fara badan ayaa la xirey waxaana wararku sheegayaan in dadka dibadbaxayey ay dalbadeen in dadkaasi la soo siidaayo.

Wadanka Masar ayaa waxaa wali ka taagan kacdoonkii dadweyne ee wadankaasi ka soo bilowday bishii Febraayo kaasoo sababay in dadkii dibadbaxyada waday ay xukunka ka tuuraan madaxweynihii Masar maamulayey 30 sano ee Xusni Mubaarak.

Dhanka kale qaar ka mid ah axsaabta siyaasada ee wadanka Masar ayaa dalbaday in doorashda madaxtinimo ee wadanka la qabto inta uusan dhamaanin sanadkan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in doorashada dib loo dhigi doono.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Safaaradii Yuhuuda ee Qaahira oo irdaha loo laabay baqdin darteed
  2. Shiikh Yuusuf Al-Qardaawi oo 30-sano kadib maanta Khudbad ka jeedinaya Fagaare ku yaala Qaahira
  3. Raysul wasaarihii hore ee Yuhuuda oo sheegay inuu aad uga walaacsan yahay hadii Ikhwaanul Muslimiin ay qabsadaan talada Wadanka Masar
  4. Dagaalo culus oo ka bilawday koonfur galbeed caasimada liibya ee Tripoli
  5. Dibadbaxyada ka socda Masar oo Saameyn ku reebay dadka Soomaalida ee ku sugan wadankaasi

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Safaaradii Yuhuuda ee Qaahira oo irdaha loo laabay baqdin darteed
  2. Shiikh Yuusuf Al-Qardaawi oo 30-sano kadib maanta Khudbad ka jeedinaya Fagaare ku yaala Qaahira
  3. Raysul wasaarihii hore ee Yuhuuda oo sheegay inuu aad uga walaacsan yahay hadii Ikhwaanul Muslimiin ay qabsadaan talada Wadanka Masar
  4. Dagaalo culus oo ka bilawday koonfur galbeed caasimada liibya ee Tripoli
  5. Dibadbaxyada ka socda Masar oo Saameyn ku reebay dadka Soomaalida ee ku sugan wadankaasi

Latest Headlines