Dawlada Imaaradka Carabta ayaa la sheegay in ay wadanka Hindiya ay ka dalbatay inay ku taageerto sidii cunaqabataynta hubka ee la saaray Soomaaliya looga qaadi lahaa.
Wargeys ka soo baxa wadanka Hindiya ayaa ka soo xigtay saraakiil Hindiyan ah in wasiirka arimaha dibada Imaaraadka Sheekh Cabdullah Bin Zayed Al Nahyaan uu ka codsaday dowlada Hindiya inay ku taageerto sidii meesha looga saari lahaa xayirada dhanka hubka ee saran wadanka Soomaaliya taasoo la saaray 1992 ka dib markii ay dalka Soomaaliya ka dheceen dagaalada sokeeye.
Dalabkan ayaa wasiirka arimaha Dibadda ee Imaaraadka wuxuu u jeediyey wasiirka xiriirka dibada ee dawlada Hindiya oo booqasho ku tegey magaalada wadanka Imaaraadka Carabta kaasoo kulan la yeeshay masuuliyiinta Imaaraadka Carabta.
Dawlada Imaaraadka ayaa sheegtay in haddii xayiraada hubka laga qaado Soomaaliya in markiisi ay hub ku taageeri lahayd DKMG ah ee Soomaaliya si loo sii wado dagaalka lagula jiro kooxaha burcad badeeda ee maraakiibta ku afduuba xeebaha geeska Afrika balse waxaa la sheegay in dawlada Hindiya ayaa diiday dalabka Imaaraadka Carabta ay soo jeedisay.
Waxayna Hindiya sheegtay in arimaha hubka Soomaaliya ay u baahan tahay fara geilin caalami ah balse eysan iyadu ku deg degi Karin.
Wadamada Hindiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeeshay burcad badeeda ka jirta xeebaha Soomaaliya oo qalqal geliyey isku socodka marin biyoodka mashquulka ah ee gacanka cadmeed.

Related posts:
Alla is yeel yeel badanaa. UAE sida iyada oo ilaalinaysa cunaqabatayn ayay dacaayad raqiis ah samaynaysanaysaa