Weerar dad ku dhinteen oo lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Kabul

Published on June 29, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Wararka ayaa sheegaya in saddexda nin oo aad u hubeysnaa ay ahaayeen rag ka tirsan ururka Daalibaan ee dagaalka kula jira dawlada Afghanistan iyo ciidamada Nato.

Weerarkan ayaa qaatay ku dhowaad 5 saacadood ka dib markii saddexda nin ay rasas iyo bambaanooyin ku garaaceen hotelka iyagoo ka dibna gudaha u galay hotelka oo la yiraahdo Intercontinental ayna ku badan yihiin dadka ajaaniibta eek u sugan Kabul.

Wararka ayaa sheegaya in labo ka mid ah saddexdii nine e weerarka soo qaaday halkaasi lagu dilay mid saddexaadna uu baxsaday, balse waxay iyaguna dileen ugu yaraan 11 ruux oo 3 booliska Afghanistan ahaayeen iyo nin sida la sheegay Spanish ah oo hotelka deganaa.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin NMato ayaa la sheegay inay hawada ka duqeysay kooxda hotelka weeratay taasoo dishay laba ka mid ah saddexda nine e soo weerartay hotelka.

Afhayeen u hadlay ururka Daalibaan ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay iyaga qaadeen, balse afhayeen u hadlay wasaarada arimaha gudaha Afghanistan  ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dabmbeeyeen kooxda la yiraahdo Xaqani oo ah koox madax banaan balse xiriir la leh Daalibaan.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Weerar lagu qaaday dugsi Quraan ku yaalla Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo
  2. War deg deg ah: Al-shabaab oo Weerar gaadmo ah ku qaaday Hotel ay daganaayeen saraakiil iyo Xildhibaano kamida DKMG.
  3. Weerar lagu qaaday saldhig sirdoonka Pakistaan ay leeyihiin oo lagu diley 80 askari
  4. Weerar lagu qaaday Fariisinka Jantakundisho.
  5. Dalibaan oo weerar ay ku qaaday Saldhiga Bagraam ku dishay 60 Askari oo Maraykan ah

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Weerar lagu qaaday dugsi Quraan ku yaalla Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo
  2. War deg deg ah: Al-shabaab oo Weerar gaadmo ah ku qaaday Hotel ay daganaayeen saraakiil iyo Xildhibaano kamida DKMG.
  3. Weerar lagu qaaday saldhig sirdoonka Pakistaan ay leeyihiin oo lagu diley 80 askari
  4. Weerar lagu qaaday Fariisinka Jantakundisho.
  5. Dalibaan oo weerar ay ku qaaday Saldhiga Bagraam ku dishay 60 Askari oo Maraykan ah

Latest Headlines