Qoysas ay ka muuqato macuul, gaajo iyo haraad islamarkaana ay soo dilootay abaaro ku dhuftay gobolada qaar ayaa si aan kala go, lahayn waxa ay ugu soo qulqulayaan magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka soo caraabay Gobolada Bay, Bakool Sh/Hoose iyo Gedo.
Dadkaan uu badankood ah haween iyo caruur ayaa markii magaalada Muqdisho ay soo galeen waxa ay wajaheen xerooyinka barakacayaal ah oo ku yaala magaalada Muqdisho si ay u heleen gargaar naftooda ay ku badbaadsadaan.
Qoysaskaan oo qaarkood gaari waayey xerooyinka bakaracayaasha Muqdisho ayaa tabartu biday in ay dhacaan hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho sababo la xiriiray gaajada iyo haaraadka haya misana u dheertahay lugta Muqdisho ay ku soo galeen.
Qoysaskaan ayaa haatan ku sugan degmooyinka Waabari, Xamar-weyne ,Dharkeenleey iyo degmooyin kale oo gobolka Banaadir ka mid ah, waxaana shalay soo indh-indheeyey Gudoomiyaha Degmada Waabri ee Dowladda KMG Axmed Meyre (Axmed Faal) iyo Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo horumarka Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh oo uu ka muuqday dareen ka dhashay dhibaatada caruurta yar yar iyo hooyooyinkooda ay ku jiraan ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Jaaliyadaha Soomalida iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed in ay gurmad u sameeyaan dadkaan dhibanayaasha ah, waxa uuna balan qaaday in shaqsi ahaan iyo Xisbi ahaanba inta awoodu tahay ay dadkaan ula soo deg degi doonaan.
Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Waabari ee Dowladda KMG Axmed Faal ayaa ugu baaqay hey’adaha samafalka in ay sida ugu dhaqsaha badan dadkaan ay ula yimaadaan gargaar.
Hooyo ka mid ah dadka abaaraha gobolada uga soo barakacay islamarkaana baahida ay itaal dareeysay dhinacyadeedana ay jiifeen caruur ay dhashay ayaa sheegtay in ay jiraan qaar ka mid ah dad ay ehel ahayeen kuwaasi oo baahi darteed ugu geeriyooday dagaanada ay ka soo hayaameen iyadoona tilmaamntay in ay ka timid baadiyaha gobolka Bay.
Hooyo kala oo aan la kulanay ayaa noo sheegtay in mudo todobaad ka badan ay ku soo jireen inta u dhaxeeysa Buurhakabo iyo magaalada Muqdisho, waxa ayna tilmaantay in safarkooda uu ahaa mid lugtooda ay ku soo caano maaleen iyada iyo dad ay jiiraan ama deris ku ahaayeen Buurhakabo.

Wali magaalada Muqdisho waxaa soo gaaraya dadkaani la daalaadhacay baahida iyo biyo la,aanta xaddhaafka ah ee ka imaanaya Gobolada qaar, waxaana abaarahaani loo aaneeynayaa roobab yari iyo dalagii ka baxay dhul beereedkii nolasha ay ku dabari jireen dadkaan oo baaba’ ku yimid ka dib cayayaan ka dhashay.

Related posts:
Sabran yaa ahla somalia fa inna mowcidukum al-amnu wa al-rakhaa’u insha Allah.