Waxaa saaka 8:00 subaxnimo dib loo furay kulankii macaahidda shareecada uga socday hoolka shirarka ee hotelka city center ee magaalada hargaysa , waxaana shirka si fiican loogu falanqeeyay sidii macaahidda dallad kulmisa loogu sameyn lahaa , manhajka macaahiddana loo mideyn lahaa .
Guddi shalay loo saaray mideynta manaahijta macaahidda ayaa markii shirka la furay laga dhageystay fikrado ay ka soo gudbiyeen howshii loo xilsaaray waxayna soo bandhigeen qodobbo ay ka mid yihiin : in la mideeyo muqarraraadka dugsiga sare ee macaahidda shareecada, in la mideeyo sanadaha wax barashada oo 3 sano laga dhigo heerka dugsiga sare ee macaahidda iyo in saacadaha waxbarashada la dhigo 900 oo saacadood sanadkii.
Waxaa kale oo ay guddigu soo jeediyeen talooyin ay ka mid ahaayeen in aad loo xoojiyo luqadda carabiga in maaddooyin usuusha dacwada iyo khudbadeynta lagu daro muqarrarka , sidoo kale in suugaanta taariikhda iyo dhaqanka soomaalida lagu daro duruusta loo dhigayo ardada macaahidda, shirkuna dhammaan talooyinkaas iyo go’aanndaas wuxuu isku wada raacay.
Dooddii maanta Falanqeynka dib waxaa ka soo qaybgalayaashu isla waafaqeen in macaahidda loo sameeyo dallad mideysa loona sameeyo gole aasaasayaal ah oo ka kooban 9 xubnood oo culimo ah oo ay ka mid yihiin : sh. Bashiir axmad salaad ,sh.cali warsame,sh. C/Qaadir nuur faarax ,Dr. axmad x. c/raxmaan,sh. c/naasir x. axmad,sh. Yuusuf aadan, sh. Maxamuud ciise , sh. c/laahi sh. Nuur.
Sidoo kale waxay ka soo qayb galayaashu isku raaceen in dalladda macaahidda loo sameeyo gole maamul oo ka kooban maamulayaasha macaahidda,camiidyada kulliyadaha shareecada, iyo acyaan kale, sidoo kale waxaa shirku go’aansaday in gole fulineed loo sameeyo dalladda macaahidda oo ka kooban guddoomiye, sakrateer iyo 3 xubnood oo kale , waxayna ka soo qaybgalayaashu guddoomiyaha dalladda macaahidda u doorteen sh. Axmad c/samad cabdille oo ka mid ahaa culimadii shirka ka soo qayb gashay.
Galinkii danbe waxaa muxaadaro cinwaankeedu yahay المراجعات الفكرية والمنهجية للجناعات الإسلامية hoolka ka soo jeediyay sh. c/laahi baashe iyo sh. Abuu xassaan waxayna falanqeeyeen afkaarta ay dib u eegeen jamaacaatka islaamiga ahi qaarkood, asbaabta keentay muraajacaadka iyo sababaha markii hore kallifay in ragga muraajacaadka sameeyay ay maraan waddada ay maanta dib u muraajeceeyeen, ka dibna waxaa muxaadarada tacliiqiyay culamadii shirka ka soo qayb gashay.
Salaaddii makhrib ka dib waxaa madasha shirka soo booqday wafdi reer kuweyd ah oo ka socday jamciyadda ixyaa’u turaas iyo muxsiniin kale waxaana madasha ku soo dhoweeyay sh. Bashiir axmad salaad iyo sh. Axmad c/samad, wafdiguna waxay soo jeediyeen kalimaad taageero iyo dhiirri galin ah waxayna macaahidda kula taliyeen inay si dhab ah howsha dacwada ugu midoobaan.






Related posts:
waa howl dacwo oo wanaagsan mashaa allaah.
wax dhaliil ah meeshaas iigama muuqato diintuna wey guda weyn tahayoo ragu qaar dacwada ha wadeen qaarna jihaadka aakhirkii insha allaah isku meel baa wax loo wada wadaa kaliya akhdaada hala isaga naseexeeyo hana la isku sabro .