Kulan ay maanta isugu yimaadeen xildhibaanada barlamaanka DKMG Soomaaliya ayaa waxay ku ansixiyeen raysul wasaaraha cusub ee dhowaan uu soo agacaabay madaxweynaha DKMG ah.
Kulanka waxaa gudoominayey gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan waxaana ka soo qeybgalay 434 xildhibaan oo ka mid ah golaha barlamaanka.
Waxaa kulanka sidoo kale ka soo qeybgalay madaxweynaha DKMG h Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah golihii wasiirada ee hore.
Gudoomiyaha barlamaanka ayaa ugu horeyn sheegay in kulanka maanta uu ku saabsan yahay cod u qaadista raysal wasaaraha cusub, waxaana sidoo kale kulanka ka hadlay raysal wasaaraha cusub C/weli Maxamed Cali.
Wuxuuna sheegay in haddii kalsoonida la siiyo uu guda gali doono dhismaha xukuumad cusub.
Intaasi ka dib ayaa xildhibaanada waxay guda galeen in hab gacan taag ah ay cod ugu qaadaan raysal wasaaraha cusub, waxaana ogolaatay 437 xildhibaan iyadoo ay diideen 4 xubnood.
Markii codeynta ay dhamaatay ayaa raysal wasaaraha cusub ayaa waxaa gudoomiyaha barlamaanka uu isla barlamaanka dhexdiisa ku dhaariyey raysul wasaare C/weli Maxamed Cali.
Kulanka barlamaanka ayaa waxaa ugu dambeyntii soo xiiray gudoomiyaha barlamaanka, balse xildhibaano fara badan ayaa ku doodayey in maalmaha soo socda la isu yimaado si barlamaanka uu uga doodo heshiiska Kampaala.

Related posts:
waxaan halkan uga dirayaa dhammaan bahda somalimirror oo aan leeyahay halkaa kasii wada dedaalkiina,intaa kadib hadii aan wax yar ka idhaahdo raysalwasaaraha cusub,waxaan kula talinayaa oo aan ku leeyahay mudane c/wali hadii aad raacdo wadadii uu jeexay Mr farmaajo waad guulaysan doontaa waxanad dhammaystir intii uu katagay ee hawl ahayd waxaan intaa ku raacinayaa mudane c/wali marwalba ha noqoto talaabadaad qaadaysaa mid ay kujirto danta umada somaaliyeed hadii kale waxaad maridoontaa xaggay mareen ina c/rashiid iyo cali geedi.
ugu dambeyn kala dooro labadaa wado maankaagana kaasho mar walba oo yaan lagu yeedhin.