Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hay’adaha sheegta samafalka aysan waxba u qabanin dadka ku tabaaleysan magaalada Muqdisho.
C/kaafi ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir waqti dhow uu bilaabayo la xisaabtanka hay’adaha ka hawlgala magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in aan la ogolaan doonin wax hay’ad ah oo aan dadka iyo dalka wax u heynin inay sii joogaan.
Wuxuuna xoghayuhu ku eedeyey hay’adaha WFP, NRC iyo dhamaan kuwa UN-ka inay magaca dadka wax ku soo qaataan kadibna aysan waxba qabanin.
Mar uu xoghayuhu ka hadlay dhanka amniga iyo waddooyinka magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in maamulka uu wado olole nadaafeed oo ka socda jidadka, isla markaana amnigu uu soo fiicnaanayo.
Xoghayaha gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay iyaga iscaawiyaan ayna ka wada shaqeeyaan Soomaalinimo isagoo sheegay in maanta la gaaray waqtigii ay dadka iyagu waxqabasan lahaayeen.

Related posts: