Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa kala diray Golahiisa Wasiirada ka dib wareegtay xalay uu ka soo saaray xafiiskiisa ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Wareegtada uu ku kala diray madaxwene Caalim Golahiisa Wasiirada ayaa lagu sheegay in Golaha wasiirada ay ka soo bixi waayeen shaqadooda waxaana wareegtada lagu qoray in ay ku fashilmeen wax ka qabashada amaanka iyo dhaqaalaha.
Sidoo kale Madaxweynaha caalim ayaa wareegtadiisa ku sheegay in uu jiray isqabqabsi u dhaxeeyey Golaha wasiirada, wuxuuna wareegtada ku sheegay inuu beryaha soo socda uu soo dhisi doono gole wasiiro oo ka tayo badan kuwa hadda jira ee maamulkaasi kuwaasoo dhamaantood lakala diray.
Dhanka kale Wareegto kale oo la socotay mid lagu kala diray Golaha Wasiirada ayaa waxaa iyana lagu sheegay in xilkii laga qaaday gudoomiyayaashii Gobolka Mudug iyo kii magalada Gaalkacyo kuwaasi oo iyana lagu eedeeyey in ay amaanka wax ka qaban waayeen

Related posts: