Waxaa saaka 8:00 subaxnimo dib u furmay kualankii aqoon isweydaarsiga ahaa ee macaahidda shareecada,kulanka qaybtiisii hore waxaa warbixno laga dhageystay macaahid ay ka mid yihiin: machadka iqra ee magaalada badhan,machadka faaruuq ee buuhoodle,machadka ibnu xajar ee boosaaso,machadka khadiija ee qardho, machadka al-huda ee garoowe,machadka faaruuq ee gaalkacyo,iyo kulliyadda shreecada ee jaamacadda bariga afrika oo warbixin waafi ah ka soo gudbisay macaahidda shareecada ee hoosyimaada jaamacadda oo gaaraya ilaa 12 machad.
Qaybtii labaad ee kulankii galinka hore waxaa fikrad kooban oo ku saabsan manaahijta ka soo jeediyay ustaad axmad cabdi, ka dibna waxaa ka soo qaybgalayaashu ay dood dheer ka yeesheen sidii loo mideyn lahaa manaahijta macaahidda, sanadaha wax barashada,saacadaha diraasada iyo heerarka shahaadooyinka ay bixyaan, ka dib markii arrimahaas si fiican loo falanqeeyay wuxuu shirku arrintaas u saaray guddi ka kooban ilaa 8 xubnood oo laga codsaday in ay is barbar dhigaan muqarraraatka macaahiddu dhigaan ka dibna ay ka soo xulaan muqar ay is leeyihiin waa midka ugu habboon ee ay macaahiddu qaadan karaan.
Salaaddii casar ka dib ayaa mar labaad la isugu soo noqday hoolkii shirarka sidii qorshuhu ahaa waxaana muxaadaro cinwaankeedu yahay مناهج التغيير الإصلاح soo jeediyay sh. Bashiir axmad salaad, wuxuuna sheekhu si kooban uga hadlay soo bixitaankii baraarugga islaamiga ah ee cusub iyo sababihii keenay iyo qaababka ay islaamiyiintu ugu kala howlgaleen islaaxinta xaaladda muslimiinta.
Sheekhu wuxuu sheegay in islaaxintu ay soo martay qaabab kala goonigooni ah sida in xoogga la saaro dhinaca aqoonta kaliya siday ay sameeyeen culimadii reer aljeeriya,in xoogga la saaro la dagaallanka gumeysigii ku soo duulay dhulalka muslimiinta sida ka dhacday liibiya marooko iyo meelo kaleba,ka dibna waxaa billowday marxalad cusub oo lagu sheegi karo islaax shaamil ah wuxuuna tusaale ka dhigay sheekhu dacwadii sh. Maxamad c/wahaab,dacwadii badiic al- samaan al- nawrasi ee turkiya,jamaacada ansaaru sunnah ee masar iyo suudaan,iyo jamaacada al- ikhwaan al-muslimuun.
Sheekhu wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dadka isbaddlka iyo islaaxa ka shaqeeyay ay isku waafaqsanyihiin in muslimiinta wax ka khaldameen loona baahanyahay in wixii khaldamay la saxo,wuxuuna tilmaamay in waxa la isku qabtay uu yahay qiimeynta heerka khaladka dhacay taasina waxay keentay in qolaba ay meel xoogga saarto sida in xoogga la saaro xukunka iyo siyaasadda,oo qolaoba si u waajahday sida in baarlamaanka la galo,in xoog la adeegsado, iyo in kaalmo laga codsado qabaa’ilka ama awoodaha kale ee jira sida xibu taxriir ay yeeleen.
Sheekhu wuxuu tilmaamay in dadka qaar ay ku howl galeen in kor wax laga soo saxo qaar kalena ay xoogga saareen in dadka si qof qof ah loo saxo , wuxuuna sheegay in sida saxani ay tahay in islaaxa kor iyo hoosba looga baahanyahay.
Gabagabadii wuxuu sheekhu soo bandhigay tiirarka loo baahanyahay in uu ku taaganyahay manhajka islaaxinta iyo wax baddaliddu wuxuuna ku soo koobay qodobadan:
Ka dib markiii sheekhu muxaadaradadiisii so gabagabeeyay waxaa tacliiqaad wax ku ool ah soo jeediyay sh.cali warsame,sh. c/Qaadir nuur, Dr. axmad x. c/raxmaan,iyo sh. c/naasir x. axmad, culimaduna waxay si fiican uga doodeen qaybo ka mid ah hadalkii sheikh bashiir soo jediyay waxayna culimadu isku raacraaceen in caddaalad loo baahanyahay markii la qiimeynayo dadka ku howllan islaaxinta xaaladda muslimiinta.




No related posts.
No related posts.
maashaa ALLAAH waa wajiyo nuuraya , waa culimadii .
Bilow wanaagsan midnimo