Kulan muhiim ah oo ay ka qaybqaadanayaan maamulayaasha iyo howlwadeennada 13 machad oo shareecada lagu barto ayaa saak8:00 subaxnimo ka furmay hoolka shirarka ee hotelka city center ee magaalada hargaysa.
Xafladdii furitaanka ee kulanka waxaa ugu horreyntii ka hadlay guddoomiyaha jamciyadda almanhay ee Somaliland oo iyadu soo abaabushay kulankan wuxuuna wuxuuna tilmaamay in kulankan ujeedadiisu tahay in macaahiddu kala faa’iideysataan khibrad iyo aqoonba,iyo in kor loo qaado aqoonta maamuleed iyo manhajeed ee maamulayaasha iyo howlwadeennada macaahidda, wuxuuna intaas raaciyay in la doonayo in macaahidda loo sameeyo dallad ay ku mideysanyihiin lagana shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa manaahijta iyo qaababka wax barasho ee macaahidda.
Ka dib waxaa hadalka qaatay wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta ee Somaliland sh. Khaliil c/laahi axmad oo shirka si rasmi ah u furray , u mahad celiyay jamaciyadda manhal , iyo culimadii ka soo qaybgashay kulanka,ka dibna wuxuu si faahfaahsan uga hadlay ahmiyadda kulanka noocan ahi u leeyahay dacwada guud ahaan gaar ahaanna macaahidda shareecada.
Wasiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay in loo baahanyahay in dadka khayrka ka shaqeynayaa ay is kaalmeystaan dadaalkoodna labanlaabaan si looga hortago sharka iyo cidda ka shqeyneysa faafintiisa,culimada iyo ducaadaddana wuxuu ka codsaday in ay wasaaraddiisa kala shaqeeyaan dacwada iyo arrimaha diinta.
Waxaa isna xafladda ka hadlay sh. Maxamad cali geeddi oo ah madaxa jamciyadda geeska afrika ee khayriga ah, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay ahmiyadda ay manaahijtu u leeyihiin umadaha wuxuuna tibaaxay in waxa umadaha dhisa ama dumkya ay yihiin mnaahijta loo dajiyo, wuxuuna soo jeediyay in carruurtu inta ay yaryaryihiin quraanka la xafidsiiyo kadibna luqada carabiga la baro ka dibna culuumta shareecada marka intaas dhammeeyaanna culuumta kale ee maadiga ah la baro, wuxuuna sheegay in ay jamciyad ahaan manhajka noocaas ah ku tijaabiyeen iskuuladooda natiijo wanaagsanina ay ka soo baxday .
Ka dib waxaa hadalka qaatay sh. Yuusuf aadan oo si fiican u sharxay ahmiyadda macaahidda shareecada lagu barto ay dacwada iyo diinta u leedahay wuxuuna ku baaqay in macaahiddaas taageero dhan walba ah la isla garabtaago loona xulo macallimiin aqoon xeeldheer diinta u lehm wuxuuna xusay in loobaahanyahay in la soo dhoweeyo lana ixtiraamo ardayda ay macaahiddaasi soo saarayaan wuxuuna sheegay in jaamacadda hargaysa oo uu macallin ka yahay ay ardada machadka dacwada ee hargaysa ka soo baxda ay fadhiisiso sanadka labaad ee kulliyadda shreecada iyada oo qaddrineysa aqoonta heerka sare ah ee ay xanbaarsanyihiin.
Waxaa isna madasha ka hadlay suldaan maxamad xasan ibraahin oo ka mid ah salaadiinta beesha habaryoonis wuxuuna sheegay in mar horeba loo baahnaa in kulanka noocan ahi qabsoomo mahad ballaadhan ayuuna u soo jeediyay cidda ka danbeysay qabsoomidda shirkan.
Suldaanku wuxuu intaas ku sii daray in maanta baahida dacwada iyo diinta loo qabo ay sii siyaadeyso isaga oo arrintaas ku sababeeyay hoos u dhaca dhinaca wacyiga diinta ee ka jira baadiyaha iyo tuulooyinka fogfog, wuxuuna sheegay in khaladaad badan oo ay dacwadu waayadii hore saxday ay dib u soo noqdeen, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in dadkaasi gurmad dacwadeed u baahanyihiin.
Kulanka waxaa soo gabagabeeyay suldaan maxamuud guuleed mire oo ka mid ah salaadiinta beesha habarjeclo , wuxuuuna suldaanku ka hadlay inay jiraan dadaallo aad u badan oo ay bixinayaan dadka sharka faafiya m wuxuuna yidhi;xaqu sidiisa ayuu awood u leeyahaye maanta waxa jira waxay sababi karaan in xaquba baabo’o oo uu suulo.
Sidoo kale suldaanku wuxuu tilmaamay in loo baahanyahay in ay is garabsadaan dadka xaqa faafinya dadka wax haystana wuxuu suldaanku ugu yeedhay inay gacansiiyaan ducaadda iyo dadka diinta faafinteeda u taagan, wuxuuna farta si gaar ah suldaanku ugu fiiqay baahida dacwadeed ee ay qabaan dadka baadiyaha iyo tuulooyinka ku nool, culimadana wuxuu ka codsaday sulaanku in ay dadaal galiyaan sidii shareecada loogu qori lahaa hab qaanuuneysan oo sahlaya in wax lagu xukumo si dadku uga kaaftoomaan xeerbaaniyaalka.
xafladda furitaanka waxaa ka soo qayb galay culimo ay ka mid yihiin: sh.cali warsame xasan,sh.c/qaadir nuur faarx,sh. bashiir axmad salaad, Dr. axmad x. c/raxmaan iyo sh.c/naasir xaaji axmad, waxaana lagu wadaa in culimadu ay duruus ka jeedin doonaan aqoon siweydaarsiga maalmaha soo socda inshaa allaah.
Kulankii labaad ee aqoon isweydaarsigu wuxuu mar labaad dib u furmay 10;30 aroornimo waxaana warbixino laga dhageystay ilaa 5 machad oo kal ah machadka saylac ee boorama,machadka al-dacwa ee hargaysa,machadka shaafici ee burco,machadka al-furqaan ee laascaanood,iyo machadka ibnu kasiir ee magaalada ceeri gaabo, barri subaxna waxaa lagu wadaa in macaahidda dhimman warbixino iyagana laga dhageysto.
Galinkii danbe ee maanta waxaa kulanka waxaa muxaadaro cinwaankeedu yahay sahayda daaciga ka jeediyay sh.c/naasir x. axmad iyoDr. Axmad x. c/raxmaan oo jeediyay muxaadaro cinwaankeedu yahay sababaha ummaduhu ku hormaraan iyo sababaha la burburaan,makhribkii ka dib waxay ka soo qaybgalayaashu qaateen darsi ku saabsan qaabka loo maamulo kulammada oo uu soo jeediyay Eng.jaamac c/laahi caydiid.
Kulankan oo halku dhaggiisu yahay “ aragti manhaj oo cad iyo maamul wax tar ah” waxaa lagu wadaa inuu socondoono 3 maalmood oo lagu bixin doono duruus isugu jirta manhajka iyo maamulka, waxayna ka soo qaybgalayaashu ka doodi doonaan sidii loomideyn lahaa manaahinta iyo qaabka wax barasho ee macaahidda iyo sidii dallad mideysan macaahidda loogu sameynlahaa.




Related posts: