Wadanka Jabuuti ayaa maanta loogadabaal degayaa munaasabada 27-ka Juun oo ku began maalinta madax bannaanida wadankaasi iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiinta dalkaasi.
Munaasabad si weyn loo soo qaban qaabiyay oo lagu maamuusayo Maalinta madax banaanida Jabuuti kadib markii ay ka qaadatay xornimadeeda 1977-kii oo ku began 27-kii June oo maanta ku aadan. Waxaana la filayaa in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu Khudbad ka jeedinayo maanta.
Khudbada uu jeedinayo Madaxweynaha Jabuuti ayaa la filayaa inuu kaga hadlo arimo kala duwan oo ku aadan xaalada wadanka Soomaaliya iyo guud ahaan wadamada Afrika gaar ahaan kuwa Bariga Afrika.
Wifuuda ku sugan Jabuuti waxaa ka mid ah madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif o isaguna ka qeybgalaya xuska maanta ka dhacaya wadanka Jabuuti.

Related posts: