DKMG Soomaaliya ayaa siidaysay lixdii ajaaniibta ahaa ee dhowaan maxkamada gobolka Banaadiy ay ku riday xukun isugu jira xarig iyo ganaax lacageed.
Madaxweynaha DKMG Shariif Sheekh Axmed ayaa cafis u fidiyay lixdaasinin ee ajaanibta ee dhamaadkii bishii hore lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha, xilli ay doonayeen in diyaarad ay wateen oo soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ay diyaarad kale oo ka soo horeysay ku wareegaan, si ay lacago malaayiin doolar ah oo Burcad badeed u wadeen ugu geeyeen, iyadoo Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida oo ka shakiyay kadib ay qabteen raggaas.
Gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo todobaadkii hore raggan ku xukumay min 15-sano xarig iyo lacago ganaax ah ayaa sheegay in Madaxweynaha uu raggan cafis u fidiyay, isla markaana ay isla galabta ka dhoofeen garoonka Diyaaradaha.
Mr Xaashi ayaa sheegay in Labada Diyaaradood oo ay wateen raggan oo ku xayirneyd Garoonka ay ku xukumeen lacago ganaax, waxaana uu cadeeyay inay iska bixiyeen lacagtaas.
Raggan ajaaniibta oo dhamaantood ahaa cadaan, balse labo ka mid ah ay heystaan dhalashada Kenya, halka kuwa kalena u dhasheen dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa lagu qabtay Garoonka diyaaradaha 24-kii Bishii May.
Lacagaha ay wadeen raggan oo gaareysay 3.6-Milyan Doolarka Mareykanka ayaa loo waday Kooxaha Burcad badeedka si lagu sii daayo markab ay afduubka ku heystaan, kaasoo ku sugan Xeebaha Gobolka Mudug.

Related posts: