Dawlada Pakistan oo dalkeeda ka ceyrisay 20 sarkaal oo ahaa tababarayaal militari oo Ingiriis ah

Published on June 27, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Saraakiisha militariga wadanka Pakistan ayaa xaqiijiyey in magaalada Islamabad ay ka bexeen illaa 20 sarkaal oo tababarayaal militari ah kuwaasoo tababaro siinayey ciidamada wadanka Pakistan.

Waasaarada difaaca Pakistan ayaa sheegtay in 20-ka sarkaal ay u bexeen sababo dhanka amniga ah, waxaana jira warar sheegaya in dawlada Pakistan ay codsatay bixitaanka labaatankaasi sarkaal.

Arintan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhowaan sedan oo kale Mareykanka ay kala bexeen wadanka pakistaan qaar ka mid ah saraakiishooda sirdoonka iyo tababarayaal militari oo ku sugnaa gudaha Pakistan.

Wariyaasha ayaa soo sheegaya in xiriirka dawlada Pakistan iyo wadamada reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka iyo Ingiriska uusan fiicneyn tan iyo wixii ka dambeeyey markii ciidamo Mareykan ah ay hawlgal gaar ah ku dileen hogaamiyihii al-Qaacida Usama Bin Laadin bishii May 2-deeda, weerarkaasi oo dawlada Pakistan ay u aragto xadgudub lagu sameeyey qaranimadeeda.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Pakistan oo shaacisay inuu geeriyooday Hogaamiyihii Dalibaan Pakistan Xakiimullah Maxsuud & Daliban Pakistan oo beenisay.
  2. Wasiirkii kaliya ee kirishtanka ka ahaa golaha wasiirada Pakistan oo la toogtay
  3. Pakistan oo amar ku siisay sirdoonka Maraykanka inay ka baxaan Wadankeeda
  4. Mareykanka oo ka walwalsan in Hubka Nuclearka Pakistan uu u Gacan galo Daalibaan.
  5. Diyaarad qalab militari u siday Puntland oo lagu qabtay Hargaysa

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Pakistan oo shaacisay inuu geeriyooday Hogaamiyihii Dalibaan Pakistan Xakiimullah Maxsuud & Daliban Pakistan oo beenisay.
  2. Wasiirkii kaliya ee kirishtanka ka ahaa golaha wasiirada Pakistan oo la toogtay
  3. Pakistan oo amar ku siisay sirdoonka Maraykanka inay ka baxaan Wadankeeda
  4. Mareykanka oo ka walwalsan in Hubka Nuclearka Pakistan uu u Gacan galo Daalibaan.
  5. Diyaarad qalab militari u siday Puntland oo lagu qabtay Hargaysa

Latest Headlines