Dagaalo culus oo ka bilawday koonfur galbeed caasimada liibya ee Tripoli

Published on June 27, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Dagaal culus oo u dhexeeya xoogaga mucaaradka wadanka Liibya iyo ciidamada daacada u ah madaxweynaha Liibya Col. Mucamar al-Qadaafi ayaa ka qarxay duleedka koonfur galbeed ee caasimada wadankaasi ee Tripoli, siday sheegayaan saraakiil ka tirsan mucaaradka.

Dagaalka ayaa ka bilawday meel qiyaastii 80-km u jirta caasimada Tripoli, waxaana afhayeen u hadlay mucaaradka oo ku sugan buuraha Nafusa ee galbeedka wadanka uu sheegay in ciidankoodu ay duulaan ku yihiin Tripoli.

Afhayeenkaasi ayaa sidoo kale sheegay in hadda ay ku dhow yihiin nawaaxiga magaalada Bir AlGhanam ayna ka go’an tahay inay qabsadaan Tripoli oo weli uu gacan ku hayo madaxweyne Qadafi. Wakaalada wararka Liibya ayaa xaqiijisay in iska horimaadyo ka dheceen hareeraha caasimada Tripoli.

Dhanka kale waxaa maalinkii boqolaad galay weerada duqeynta ah ee diyaaradaha gaashaanburta Nato ay ku hayaan wadanka gaar ahaan caasimada Tripoli iyadoo ay jiraan dad rayid ah oo weeradaasi ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Nato oo qiratay inay dad rayid ah ku leysay caasimada Liibya
  2. Iska horimaadyo culus oo ka socda liibya iyadoo mucaaradka ay soo rideen diyaarad ciidamadu leeyihiin
  3. Diyaaradaha Nato oo Dad rayid ah ku Laayey Magaalada Tripoli
  4. Madaxweynaha Liibya Col. Qadafi oo ku eedeeyey Nato xasuuq ka dhan ah shacabka Liibya
  5. Mucaaradka Liibya oo sheegay in dhaqaale la’aan ay soo wajahday

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Nato oo qiratay inay dad rayid ah ku leysay caasimada Liibya
  2. Iska horimaadyo culus oo ka socda liibya iyadoo mucaaradka ay soo rideen diyaarad ciidamadu leeyihiin
  3. Diyaaradaha Nato oo Dad rayid ah ku Laayey Magaalada Tripoli
  4. Madaxweynaha Liibya Col. Qadafi oo ku eedeeyey Nato xasuuq ka dhan ah shacabka Liibya
  5. Mucaaradka Liibya oo sheegay in dhaqaale la’aan ay soo wajahday

Latest Headlines