Dawlada Shiinaha ayaa xabsiga ka siideysay Hu Jia oo ah hogaamiye mucaarad oo caan ka ah gudaha wadanka Shiinaha ka dib markii uu soo dhameystay saddex sano iyo bar oo uu xabsi ku soo qaatay sida ay xaqiijiyeen qoyska uu ninkaasi ka soo jeedo.
Hu Jia waxaa siideyntiisa xaqiijisay haweeneydiisa oo fariin ay soo galisay bogga ay internet-ka ku leedahay ku sheegtay in saygeeda la soo siidaayey habeenimadii Axada.
Hu Jia ayaa loo xiray ka dib markii uu si kulul u dhaleeceeyey dawlada wadanka Shiinaha waxaana siidayntiisa ay qeyb ka ahayd baaqyo isdaba jog ah oo ka soo baxay qaar ka mid ah kooxaha dhanka xuquuqda aadanaha u ololeeya.
Inkastoo Mr. Hu Jia la siidaayey haddana waxaa la sheegayaa in si aad ah loo yareeyey dhaqdhaqaaqiisa waxaana ciidamo boolis ah la geeyey gurigiisa oo ku yaalla magaalada Beijing kuwaasoo ilaalo ka haya.
Hu Jia ayaa ka gaabsaday inuu wax wareysiyo ah siiyo saxaafadda inkastoo uu sheegay inuu caafimaad qabo uuna doonayo inuu nasto.
Siidaynta ninkan mucaaradka ah ayaa ku soo beegantay hal toddobaad ka dib markii masuuliyiinta Shiinaha ay xabsiga ka siidaayeen nin farshaxaniiste ah oo dawlada ka horjeeday oo lagu magacaabo Ai Weiwei kaasoo isaguna xabsiga laga siidaayey toddobaadkii hore.

Related posts: