Illaa 68 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jirtey xabsiyo ku yaala magaalada Juba ee koonfurta wadanka Suudaan ayaa laga soo siidaayey xabsiyadii ay ku jireen ka dib markii ay dadaalo u galeen xubno isugu jira waxgarad iyo safaarada Soomaalida ee Suudaan.
Sii hayaha xilka safiirka Soomaaliya ee magaalada Khartoum Ibraahim Guure Maxamed oo dhawaan kasoo laabtay Magaalada Jubba ayaa sheegay in 68 dhalinyarada laga soo siidaayey xabsiga ay dhowaan soo gaari doonaan magaalada Khartuum maadaama laga soo siidaayey xabsiga.
Waxaa jira dad badan oo Soomaali ah kuwaasoo ka shaqeysta magaalada Juba ee koofurta Suudaan hase yeeshee waxaa xabsiyada ku jira dad fara badan oo u badan dhalinyaro, iyadoo badanaa ciidamada booliska ay dhalinyarada u xiraan arimo kala duwan, sida uu sheegay sii hayaha.
Dhanka kale Ibraahim Maxamed Guure ayaa sheegay in isaga markii uu dhowaan tegey magaalada Juba oo hadda maamul cusub noqoneysa uu kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan koofurta Suudaan, wuxuuna sheegay inuu kala hadlay dhibaatooyinka Soomaalida halkaas loogu gaysto iyo sii daynta Soomaalida halkaas ku xiran.
Wuxuuna xusay in masuuliyiintii uu la kulmay ay aqbaleen dalab sii hayaha ka yimid oo ahaa sii daynta Soomaalida xiran ayadoo durba xabsiga laga sii daayey 18 ka mid ahaa 68 halkaas siyaabo kala duwan ugu xirnaa , waxaana loo balanqaaday inta hartay in lasii dayn doono kadib marka lamariyo maxkamad.

Related posts:
Maxamad xaaji yuusuf waqti u holgalay shaqadisi safiirnimo o u jogay dowlada somaliya magalada juba wuxu wax badan u qabtay ganacsatadi somaliyeed iyo kuwa kale iyo dalinyaro somaliyeed o xaabsida kujiry ayu intooda badan sosidayay