Maydadka laba qof oo la sheegay inay xirnaayeen dharka ciidanka Puntland ayaa lagu arkay saaka inta u dhaxeysa magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo ee gobolka Bari siday soo sheegeen dad wadada ku safray.
Dad saaka wadadaasi maray ayaa sheegay inay arkeen labada meyd oo yaalla inta u dhaxaysa tuulooyinka Yalho iyo Karin oo duleedka koonfureed kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Illaa hadda ma cadda cida dishay iyo sababta loo dilay ragan oo loo hheysto inay askarta dawlada Puntland ka tirsan yihiin.
Hase yeeshee dad degaanka ah ayaa sheegay in meydadkan la soo dhigay habeenimadii xalay,waxaana intaasi uu ku daray inaysan garanayan waxa ay yihiiniin ragan ku labisnaa dareeska ciidanka iyo cida gaysatay falkan. ay ku qaadeen magaalada Galgala bishii May ee la soo dhaafey.
Ma jirto wax war ah oo arinkan la xiriira oo ka soo baxay maamulka gobolka Bari iyo kan Puntland.

Related posts: