Jaaliyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee ku dhaqan Maamul Gobolkeedka Puntland ayaa soo saartay baaq ay ku taageerayaan kulan cilmiyeedka ka bilowday Magaalada Madaxda Deegaanka Soomaaligalbeed ee Jigjiga gaar ahaan Hoolka shirarka ee Sayid Maxamed C/lle Xasan wuxuuna bayaanku u qoraa sida:-
Bayaan Taageero ah
Anaga oo ah Jaaliyada Dowlada deegaanka Soomaalida ee ku sugan Deegaanada Puntland waxaana si buuxda u taageeraynaa shir cilmiyeedka ka bilowday Magaalada Jigjiga ee ay soo qaban qaabiyeen Culimada Soomaaliyeed ee ka kala yimid daafaca aduunka si ay bulshadooda u wacyi galiyaan una xasuusiyaan arimahooda diineed.
Jaaliyadu wax ay kulan Cilmiyeekaas ku tilmaamaysaa in uu yahay mid ku soo beegmay xiligii loo baahnaa wax badanna ka taraya Hormarka guud ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ,waxaana sidoo kale amaaneynaa kaalinta muuqadata ee ay xubnaha Maamulka oo uu ugu horeeyo Maxaweynaha Deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, Golaha Xukuumadda ,sadexda Madaxweyne ku xigeen Golaha shacabka , Isimada , waxgardka iyo dhamaan qeybaha Bulshadu sameeyeen ee la xidhiidha diyaarinta iyo kamidha dhalinta Hormarka Bulshada.
Waxaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Dowlad Deegaanka ugu baaqaynaa in ay ka faa’iidaystaan Muxaadaraadka iyo Duruuska ay Culimadu jeedineyso taasoo fursad u ah dhamaan dadka ku sugan Deegaanka Sagaalkiisa Gobobol oo ay Culimadu safaro ku tagi doonto
Waxaan Amaaneynaa Madaxweynaha DDS oo ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee Deegaanka ka hirgalaya Kulan Diimeed kana dhaca Caasimada Deegaanka ee Jigjiga waxaana Alle uga baryaynaa Madaxweynaha in uu miisaankiisa xasanaadka ugu daro.
Ugu dambeyn waxaan amaan iyo bogaadin u jeedineynaa Ururka UWSLF oo sababtooda uu ku hirgalay qabsoomida kulan cilmiyeedkan iyo booqashooyinkii ay Culimadu ku tagtay Dowlad Deegaanka taas oo ka dhalay Go’aankii taariikhiga ahaa ee ay qaateen Ururkaas oo uu hormuud ka ahaa Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen “ Sheekh Ibraahim Dheere”
Bayaanka waxaa soo saaray Jaaliyada DDS ee ku dhagan Maamul Goboleedka Puntland

Related posts: