Waxaa shir balaaran oo aan horey u dhicin noociisa isugu yimid dhamaan Wariyaasha ka howlgala gobolka Mudug oo ay ka dhex muuqdaan Maamulayaasha Idaacadaha, Telefishinada iyo Website-yada laga qoro gobolka Mudug.
Kulankani ayaa Wariyaashu ka wada doodeen sidii garab buuxa loo siin lahaa looa taageeri lahaa nabadeynta gobalka Mudug iyo guud ahaan nabada Soomaaliyeed laguna gacan siiyop cid kasta oo ka talineysa wixii wanaagsan.
Wariyaashu waxay dood iyo falanqeyn dheer kadib isla garteen in ay xil weyn iska saaraan ka shaqeynta amniga, nabada iyo horumarka Gobolka Mudug, Puntland iyo Soomaalida guud ahaanteedmaadaama ay iyagu gacanta ku hayaan qalabka warbaahinta oo ah meesha ummada laga tawjiihin karo.
Qodobadii ka soo baxay shirka Wariyaasha.
1. In la sameeyo fariimo wacyi gelin ah oo si joogta ah idaacadaha uga baxa
2. In la sameeyo Barnaamijyo wacyigelin ah oo si isku mid ah uga baxa dhamaan idaacadaha gobolka Mudug, isla markaana barnaamijyada maalinba koox ay soo diyaariso.
3. In la sameeyo codad goos goos ah oo laga duur xulay mas’uuliyiinta iyo shacabka, codadkaasi oo ka tarjumaya dareenka shacabka iyo horumarka la hiigsanayo.
4. In wariyaashu aysan qorin ama baahin wax kasta oo dib u dhigi kara horumarka iyo nabadgelyada gobolka Mudug, isla markaana dhibaato kasta oo dhacda aan lagu deg degin.
5. In la sii xoojiyo oo la laba jibaaro wada shaqeynta warbaahinta, bulshada, waxgaradka iyo maamulka.
6. In la sameeyo Xiriiriye isku xira Wariyaasha iyo qeybaha kale ee bulshada sida culimada, waxgaradka iyo maamulka.
7. In la sameeyo Guddi ka kooban shan xubnood oo ka soo tala bixiya Barnaamijka idaacadaha ka baxaya, nooca uu noqonayo iyo magaciisa.
Wejigii hore ee shirka ayaa Wariyaashu ku soo dhameysteen jewi farxad iyo is afgarad leh, waxaana loo balamay in Guddiga ka soo talo bixinaya barnaamijka ay isu yimaadaan oo ay ka tashadaan nooca barnaamijka, magaca loo bixinayo iyo waqtiyada la baahinayo.
Maalintii Jimcaha ee aynu soo dhaafney ee 03/June waxaa saddexda Idaacadood ee kala ah Radio Gaalkacyo, Radio Daljir, Radio Codka Nabadda iyo Radio Hage oo si toos ah uga baxay Barnaamijka Aayakatalinta Gaalkacyo, waxaana Barnaamijkaasi oo si isku mid ah uga baxay saddexdaasi Radio isla markaana hal meel ah loogu diyaariyey ka maqsuuday dadweynaha Gaalkacyo waxaana ka soo mahad celiyay xubnaha Guddiga dhexe ee Aayakatalinta Gaalkacyo.

Related posts: