Hey’adda Islaamiga ee gargaarka Caalamiga ah ayaa qorsheynaysa in ay kaalmooyin Bini Aadaninimo gaadhsiin doonto shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada Koonfureed ee Dalka iyadoo kaashaneysa Ururka Wadamada Islaamka xafiiskii ku yaala magaalada Muqdisho si uu gar gaarkaas u gaadhsiiyo dadka ay dhibaatooyinka heystaan .
Hadalkan ayaa yimid kadib markii uu xoghayaha guud ee Hey’ada Islaamiga ah ee Gargaarka Dr Cadnaan Bin Khliil Basha uu xafiiskiisa ku qaabilay u qeybsanaha arimaha siyaasada iyo xidhiidha Ururka Wadamada Islaamka Cataa Manan ,wuxuuna xoghayaha Hey’addu sheegay in ay diyaarinayaan sidii ay kaalmooyinkaa ugu wareejin lahaayeen Ururka Wadamada Islaamka .
Xoghayaha Hey’adda Islaamiga ah ee Gargaarka ayaa tilmaamay in kaalmoyinkaa ay isku jiraan cuno dhar iyo dawooyin iyo cunooyinka lagula talaaco dadka ay nafaqo darada heysto oo intooda badani ay yihiin caruurta da’doodu u dhaxeyso 2- 11 sano.
Dhanka kale Ururka Wadamada Islaamka ayaa balan qaaday in kaalmooyinka loo wakiishay uu gaadhsiin doono dadka loogu talagalay ayna si siman ugu qeybin doonaan ,waxa uu Xafiiska Ururku ku leeyahay Magaalada Muqdisho mar ii horeysay qeybiyay kalamooyin Bini Aadaninimo.
Hey’ado kala duwan oo Islaami ah ayaa howlo gar gaar ka wada Gobolkada Koonfureed ee dalka waxaana hey’adaas ka mid ah Manhal iyo Hey’adda Gar gaarka , waxaa sidoo kale jira Hey’ado yar yar oo ka wakiiil ah hey’ado kale oo dalka ka baxay kuwaas oo dhaq dhaqaayo ka wada gobolada Koonfureed ee Dalka.
Diyaarin & tarjumid- Abdulrahmaan yare

Related posts: