Dowladda Itoobiya oo dhex dhexaadin ka dhex wada maamulada Somaliland iyo Puntland

Published on May 31, 2011 by   ·   4 Comments   ·   print

Wargeysa Todobaadlaha ah ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa ayaa qoray warbixin dheer oo uu ka diyaariyay wada hadalo ay Dowlada Itoobiya ka dhex wado labada maamul ee Puntland iyo Somaliland oo muran dhanka xuduuda ah ka dhex taagan yahay wixii ka dambeeyay 15-10-2008.

Wargeysku waxa uu xusay in wada hadala ay yihiin kuwo la xidhiidha sidii xal looga gadhi lahaa khilaaf xaduudeedka u dhaxeeya labadaa maamul ,waxaana laguw adaa ayuu yidhi wargeysku in todobaadyada soo socda arintaas ay labada maamul ka wada hadlaan iyadoo dhex dhexaadin ahaan ay kulankooda goob joog uga noqon doonto Dowlada Itoobiya mas’uuliyiin matalaya.

Dhanka kale wargeyska Barajeder oo soo xiganaya qunsulka u fadhiya Itoobiya Somaliland oo lagu magacabao Berhanu Tesfaye ayaa sheegay in xukuumadoodu ay isku howleyso sidii xal looga gaadhi lahaa qadiyada ka dhex aloosan labada maamul sidoo alena ay u jeedisay labada dhinac hadalo talo ah oo la xidhiidha in ay yareeyaan khilaafka jira .

Berhanu Tesfaye waxa uuintaa raaciyay in labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ay iska qaateen in wada hadalkoodu ka dhoco magaalada Addis Ababa hadana uu jiro diyaar garow arintaa loogu sii gogol xaadhayo wuxuuna yidhi isaga oo arintaa ka hadlaya “ Itoobiya waxa ay jeceshahay xasiloonida Gobolka waxayna ka shaqeynasaa sidii labada dhinac ay xal uga gaadhi lahayeen khilaafkooda ayna isku soo hor fadhiistaan miiska wada hadalka halka wada hadalkaa lagu xalin lahaa xasrad iyo colaad hurin”

Waxa u sidoo kale yidhi “ Somaliland iyo Puntland waxa ay kalsooni weyn siiyaan dadaalka dhex dhexaadinta ee ay Dowlada Itoobiya ka dhex sameynayso taasina waxaa lagu tirinayaa in ay ka timid xidhiidhka dhow ee labada maamulba la wadaagaan Itoobiya”.

Khilaafka ka dhex taagan labada Maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa soo xoogeystay wixii ka dambeeyay 15-10-2008 xiligaa oo maamulka Somaliland uu gacanta ku dhigay caasimad goboleedka Sool ee Laascaanood iyo degmooyin kale oo isla Gobolkaa ka tirsan ,sidoo kale waxa ay xiisadaha caynkaas ah mar kale sare usoo kaceen khilaaf beeleedkii ka dhashay Deegaanka Kalshaale.

diyaarin & tarjumid _ Abdulrahmaan yare



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maamulka Puntland oo deeq waxbarasho ka helay Maamulka Dowladda Deegaanka Somalida Itoobiya
  2. Maamulka Puntland oo Maamulka Somaliland ku eedeeyay in uu faragalin ku hayo
  3. Isku dhac sababay khasaare oo maanta Magaalada Gaalkacyo ku dhex maray Maamulada Puntland & Galmudug
  4. Somaliland oo Puntland Weydiisatay Iskaashi
  5. Daahir Riyaale Iyo Wefdi Ka Socda Puntland Oo Ku Wada Sugan Dalka Itoobiya

Readers Comments (4)

  1. carab says:

    sxb waxaan ku waydiiyay af carabi miyad ku soo tarjuntay mise english habka aad u diyaarisay waxaa laga arkayaa inaad saxafi weyn tahay sida hadalka uu isku heysto jumlad jumlad iyo sida micnihiisu isku daba yaalo qoraalkana hufnan wanaagsan ayaa ka muuqata iyo xiyaad saxafinimo mar puntland ayaad hormarineysaa marna somaliland

    – hadan u galo aragtideyda–
    runtii qoralkan hadii uu run yahay waxaa soo cadaaneysa in somaliland iyo puntland midoodba aysan laheyn qadiyad la xiriirta jiritaankoda waayo labaduba waxa ay daba socdaan hadalka addis ababa ka soo yeera hadii ay arintu sida tahay maxaa dadka benta loogu sheegayaa

  2. daahir says:

    waa qoraal fiican runtii wax badan ayuuna dadka u bidhaaminayaa

  3. Daljir says:

    Waxaan umalaynayaa in hadalkani yahay mid lagu majaxaabinayo Goboladdda SSC,hadii Ethiopia rabto inay xal kakeento dhulkan laga hadlayo reerbaa degan somalina weli kuma heshiin in waxlawada yeesho,markaa armay arintu uegtahay in soomaali ethiopia waataqaane,ay mandiqadda iyadu kadayso faragelinta,waayo hadda waxay kahadlaysaa waa arin mandiqadda ethiopia ka abuuraya Colaad,waxaana ethiopia doonaysaa in SSC ku biirto garabka hubaysan ee ONLF,hadii aysan arinta dadka leh kalahadlin

  4. XAGALEEY says:

    aaway dimoqraadiyadii ay labada gobol sheeganaayeen? dadka laguduldagaalamaayo maa laweydiiyo waxay rabaan? sow tii lalahaa cidwalba geedkeeda magac haula baxdo. sida
    GARAS LAND IYO GUMAR STATE.hada waxaaba ugu dambeeyey galool state oo mudug laga dhisay.
    reer laascaano waa soomaali xalaal ah.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maamulka Puntland oo deeq waxbarasho ka helay Maamulka Dowladda Deegaanka Somalida Itoobiya
  2. Maamulka Puntland oo Maamulka Somaliland ku eedeeyay in uu faragalin ku hayo
  3. Isku dhac sababay khasaare oo maanta Magaalada Gaalkacyo ku dhex maray Maamulada Puntland & Galmudug
  4. Somaliland oo Puntland Weydiisatay Iskaashi
  5. Daahir Riyaale Iyo Wefdi Ka Socda Puntland Oo Ku Wada Sugan Dalka Itoobiya

Latest Headlines