Dowladda Aljeria oo budhcad badeeda ugu baaqday in ay sii deyso 2 badmaax oo u dhashay Dalka Aljeria

Published on May 31, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Dowladda Aljeria ayaa si rasmi ah uga hadashay 2 badmaaxiin ah oo ay heystaan budhcad badeed Soomaali ah kuwaas oo saaraa markab ay qafaasheen budhcad badedu mudo haadan laga joogo 5 bilood iyo badh waxaana arintaa si toos ah saxaafadda ugala hadlay Wasiirka Arimaha dibadda Aljeria Madaar Mudalsi.

Wasiiirku waxa uu kadhawaajiyay in la heystayaasha u dhashay Aljeria ay yihiin kuwo dhibaato badan ay la soo daristay qoyayskooduna ay cabashooyin kala duwan u soo jeediyeen Dowlada ,Dowladuna wixii hadda ka dambeeyay ay xooga saari doonto sidii la heystayaash looga soo deyn lahaa gacanta budhcad badeeda Soomaalida ah .

Wakaaladda Wararka ee Aljeria oo soo xiganeysa hadal ayuu Wasiirku ka jeediyay xaflad ka dhaceysay xaafad ka mid ah xaafadaha Caasimada Aljeria ayuu ka sheegay n Xukuumado ay ogtahay in budhcad badeedu ay qafaasheen dad u dhashay wadankooda ayna baaq u jeedinayaan budhcad badeeda kaas oo la xidhiidha sii daynta muwaadiniinta u dhashay Aljeria.

Wasiirka ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in ay iska kaashato sidii loo cidhibtiri lahaa budhcad badeeda ka jirta xeebaha Dalka Soomaaliya wuxuuna Madaar Mudalsi yidhi “Afrika iyo Beesha Caalamka waxaa looga baahan yahay in ay iska kaashato sidii loola dagaalami lahaa argagixisada iyo budhcaad badeeda kuwaas oo carqalad ku ah xasiloonida Dalka Soomaalia “

La heystayaasha ay budhcad badeedu qabsatay ayaa ah labo badmaax kuwaas oo la socday markab ay ka qabsadaen budhcad badeedu xeebaha Soomaaliya meel ka baxsan ,waxaana jirtay in Dowlada Aljeria ay marar kala duwan ka hashay muwaadiniinta u dhashay dalkeeda ee gacanta ugu jira budhcad badeeda .

Reerka ay kasoo jedaan 2da badmaax ayaa su’aalo ad adag weydiiyay Wasiirka intuu uu hadalkiisa dhameysan waxayna ugu baaqeen in mas’uuliyada dowlada ay tahay soo deynta labadaa badmaax iyo la socodka xaaladooda nololeed iyo tooda caafimaadba.

Mudooyinkii dambe waxaa soo badanayay dacwooyinka ka imanaya qoysaska ay ka soo jeedaan shaqaalaha saaran Maraakiibta ay budhcad baadeedu qafaalato kuwaas oo Dowladahooda culeys ku saaray sidii loo soo deyn lahaa dadka ka maqan ee ku jira gacanta budhcad badeeda .

Diyaarin & tarjumid – Abdulrahmaan yare



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. budhcad badeeda oo qafaalatay Markab laga lahaa Dalka Yemen
  2. Budhcad badeeda oo qabsaday maanta Dooni laga lahaa Dalka Singapore
  3. Budhcad badeeda oo siidaayey markab laga leeyahay Sacuudiga
  4. C/raxmaan Maxamed Faroole oo sheegay in maamulku uu wax ka qaban doono Budhcad badeeda ka jira Deegaanada Puntland
  5. Shir ku saabsanaa dhibaatada budhcad badeeda oo lagu soo gabagabeeyey Dubai

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. budhcad badeeda oo qafaalatay Markab laga lahaa Dalka Yemen
  2. Budhcad badeeda oo qabsaday maanta Dooni laga lahaa Dalka Singapore
  3. Budhcad badeeda oo siidaayey markab laga leeyahay Sacuudiga
  4. C/raxmaan Maxamed Faroole oo sheegay in maamulku uu wax ka qaban doono Budhcad badeeda ka jira Deegaanada Puntland
  5. Shir ku saabsanaa dhibaatada budhcad badeeda oo lagu soo gabagabeeyey Dubai

Latest Headlines