Xafladdii Xidhitaanka Sanad Dugsiyeedka 2010/2011 ee Dugsiga Al-Furqaan oo La Qabtay [SAWIRRO]

Published on May 30, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Galabnimadii Sabtida ayaa xaflad ballaadhan lagu qabtay barxadda dugsiga Al-Furqaan , waxana ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada , waalidiinta iyo laamaha dawladda qaar ka mid ah. [Daawo Sawirro]

Xafladdan oo ka soo wareegtey 15 guuradii asaaskii dugsiga Al-Furqaan , ayaa waxa khudbaddii furitaanka ka hadlay maamulaha dugsiga Md. C/casiis Axmed Saalax, wuxuna ka warbixiyey shaqadii waxbaris iyo tarbiyadeed ee shan iyo tobankaa sano ka socotey iyo midhihii ka soo baxay , taas oo uu ku tilmaamay in lix dafcadood ka qalin jebisey dugsiga sare ee Al-Furqaan , kuwaas oo jaamacadaha daafaha aduunka ka barta qaybaha kala duwan ee cilmiga, lana filayo in sanadkan ay soo qalin jebiyaan qaar ka mid ah dufcaddii ugu horeysey, kuwaas oo wadanka kusoo  laaban doona insha allah , oo aaney u hanqal taagi doonin dibadda.

Maamuluhu wuxu u mahadceliyey dhamaan ciddii ka qayb qaadatay dhismaha iyo hirgelinta dugsiga iyo weliba kuwa kale ee ciyaalkeennu wax ku bartaan , wuxuna bulshada ka codsaday in deyrka dugsiga sare ee Al-Furqaan uu qabyo yahay , loona baahan yahay in la dhamaystiro inta xagaaga ah.  Maamulka dugsiguna si gaar ah ayuu ugu mahad celiyey shirkadda Golis oo abaal marinta ardayda ka qayb gashay , wuxuna shirkadaha kale ka codsaday iney ku daydaan .

Waxa iyaguna halkaas hadallo qiimo leh ka jeediyey dadka kala ah : Xaawo C/laahi Warsame oo ku hadashay magaca haweenka iyo gudida iskuulka , kuna dheeraatay taabba gelinta jaamacadda Maakhir in laga wada shaqeeyo oo dhinacyada la iska taago.

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Md. C/qani Cali Maxamed  oo isaguna ka hadlay imtixaanka guud ee fasalada 4aad sare iyo 8aad dhexe oo bilowday isla subaxnimadii Sabtida , wuxuna sheegay in guud ahaan PL imtixaankan ay u fadhiisatay 5,834 arday oo ka tirsan fasalada 4aad sare iyo 8aad dhexe ,gaar ahaan gobolka Sanaag waxa imtixaankan ka qayb gelaya 6 dugsi dhexe iyo 4 dugsi sare , sanadka soo socdana waxa la filayaa 6 dugsi sare iyo 8 dugsi dhexe, wuxuna si weyn ardayda ugu boorriyey iney tartankaas kaalin muuqda ka galaan.

Sidoo kale waxa hadal jeediyey : Guddoomiyaha xoogagga horusocodka ah Md. Siciid Maxamed Ismaaciil oo ku yaboohay lacag dhan $ 100 oo uu kaga qayb gelayo dhismaha deyrka qabyada ah ee dugsiga sare ee Al-Furqaan , iyo xubin ka tirsan barlaanka PL oo ah Cismaan Dalmar Yuusuf, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur oo kulankii hore ee ardayda imtixaanka geleysa kasoo qayb galay.

Gudoomiyaha degmada C/risaaq Axmed Ciise oo ardayda guddoonsiinayey abaal marino kala duwan oo sanadkan  ay ka qayb gashay shirkadda isgaarsiinta GOLIS.

Ardayda ayaa dhankooda soo bandhigay khudbado , nashiidooyin iyo guurow la magic baxay “ Horumar “ oo uu soo jeediyey Maxamed Cali Maxamed oo fasalka 2aad ee dugsiga sare ka mid ah .



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xaflad Loosameeyey Xidhitaanka Madarisadda Al-Huda ee sanad dugsiyeedka 2008/2009
  2. Xaflad lagu soo gaba gabeynayay Sanad Dugsiyeedka 2008-2009 ee Mac’hadka Al-furqaan oo maanta ka dhacday M. Laascaanood
  3. Mu,assasada Imaamushaafici Gaalkacyo oo soo gabagabaysay sanad-dugsiyeedka 2009/2010
  4. Imtixaankadka Semester 1-aad ee sanad dugsiyeedka 2009-2010 ee Jaamacadda Bariga Afrika oo lagu wado in uu Bari si rasmi ah u bilowdo
  5. Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee S/liland oo Shaaciyey natiijadii Dugsiyada sare iyo Dhexe ee sanad dugsiyeedka 2008-2009

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xaflad Loosameeyey Xidhitaanka Madarisadda Al-Huda ee sanad dugsiyeedka 2008/2009
  2. Xaflad lagu soo gaba gabeynayay Sanad Dugsiyeedka 2008-2009 ee Mac’hadka Al-furqaan oo maanta ka dhacday M. Laascaanood
  3. Mu,assasada Imaamushaafici Gaalkacyo oo soo gabagabaysay sanad-dugsiyeedka 2009/2010
  4. Imtixaankadka Semester 1-aad ee sanad dugsiyeedka 2009-2010 ee Jaamacadda Bariga Afrika oo lagu wado in uu Bari si rasmi ah u bilowdo
  5. Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee S/liland oo Shaaciyey natiijadii Dugsiyada sare iyo Dhexe ee sanad dugsiyeedka 2008-2009

Latest Headlines