Maamulka Gobolka Benaadir ayaa ganacsatada iyo shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ugu baaqay in aysan ku soo deg degin suuqa Bakaaraha oo noqday goob dagaal oo ay isku hor adhiyaan DKMG ah iyo Xarkadaha Al shabaab ilaa iyo inta amnigiisuu ka caga dhiganayo
ku xigeeenka Goomiyaha dhanka nabad galyada Gobolka Benaadir oo lagu magacaabo Warsame Maxamed Xasan “joodax” oo waraysi siiyay Idaacadda Radio Muqidho oo ah Idaacada ay leedahay DKMG ah ayaa shegay in baaqa waxa ay u jeedinayaani ay tahay cabsi ay ka qabaan in shacabka suuqa soo aadaya ay dhibaato kala kulmaan miinooyin ay Xarakada Al shabaab ku aastay Suuqa qeybihiisa kala duwan, wuxuuna intaa raaciyay in bulshada laga doonayo in ay nafsadooda khatar u soo jiidin.
Sidoo kale waxa uu xusay in goobaha ay DKMG ah kala wareegtay Al shabaab intooda badan lagu arkay Miinooyin taasina ay ku dhalisay in ay digtooni u yeeshaan Suuqa Bakaaraha sidoo kale ay bulshada uga digaan dhibaatooyinka la so darsi kara wuxuuna yidhi “ kooxaha al Shabaab waxaa looga bartay in miineeyaan meelaha ay ka tagayaan waxaana goobaha ay ka tagaan baadha ciidamada howlahaas ku shaqada leh mar kastaana miinooyin ay helaan”
Waxa uu baaq kaa la mid ah u jeediyay hey’aadka DKMG ah ee ku shaqada leh amniga in ay u istaagaan sidii ay baadhitaano u sameyn lahaayeen si looga fogaado khataraha ka iman kara dhanka Al shabaab.
Maalmihi la soo dhaafay ayay ahayd markii suuqa weyn ee Barakaaha noqday mid gabi ahaanba isku badala meel haawaneysa dadkii halkaa ku sugnaana ay nafsadooda kala baxaan suuqa ,lamana oga halka uu ku dambeyn doono xaalada suuqa oo u muuqata mid sii cakirmaysa.

Related posts: