Wasaaradda Gaashaandhigga DKMG ah ayaa sheegtay in howlgalada ay maalmahan kula jirto Xarakada AL shabaab ayna goobaha badan kala wareegtay aysan dhibaato ku heyn khilaafka u dhaxeeya xubnaha sar sare ee DKMG gaar ahaan Madaxweynaha iyo Goomiyaha BarlamankaKu xigeenka Wasiirka Gaashaandhigga DKMG ah C/xakiim Xaaji Maxamuud “FIQI” oo Warbaahinta maxaliga ah ee Magaalada Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in khilaafka ka dhex taagan DKMG ah mas’uuliyiinteeda uusan wax saameyn ah ku laheyn howlgalada ay kula jiraan Xarakadda Al shabaab.
Waxa uu ka dhawaajiyay in dhankooda waxba aysan ka ogeyn waxa uu yahay khilaafkaas balse howshoodu ay tahay sidii ay uga takhalusi lahaayeen Xoogaga Al shabaab oo uu ku tilmaamay in yihiin kuwo awood ahaan hadda sii wiiqmaya ,wuxuuna tusaale u soo qaatay aamuskoodu in uu muujinayo in ay dib isu soo abaabul wadaan balse dhankooda ay diyaar garow ku jiraan.
Sidaa oo kale waxa uu ka dhawajiyay in Ciidamada ku sugan agagaarka Suuqa weyn ee Bakaaraha ay hestaan amaro la xidhiidha in aysan wax xabad ah ku ridi karin shacabka suuqa ku sugan ayna ka fogaadaan wax alaala iyo wixii khasaare u geysan kara hantida shacabka ee taala suuqaa qeybihiisa kala duwan amarkoodana uu yahay in ay dagaalka bilaabaan marka ay Al shabaab soo qaadaan Dagaalka .
Dhanka kale waxa uu ka xusay khilaafka ka dhex taagan 2da shariif in wadamada Caalamku ay wadaan sidii loo heshiisiin lahaa 2daa mas’uul wuxuuna intaa raaciyay in uu ku rajo weyn yahay in xal waara laga gaadho khilaafka noocaa oo kale ah oo mudo soo noqnoqday.
Arintan ayaa imanayesa iyadoo dhinacyada ku dagaaladama Magaalada Mudisho ee kala ah DKMG ah iyo Xarakada Al shabaab ay xabeenkii xalay ahaa Warbixin uu sii daayay TV-ga Aljazeera ay isku dhaafsadeen hanjabaado iyo in mid walbaa uu meesha ka saari doono kan kale hadana lama saadalin karo halka ay ku soo biyo shuban dooonaan is edaymahaas iyo iska hor imaadyada hubeysan ee natiijadoodu tahay waxyeeleynta bulshada .

Related posts: