Sidee baad saaxiibo ku kasbataa bulshadana saameyn ugu yeelataa?. W/Q: Maxamed Yuusuf Muuse

Published on May 29, 2011 by   ·   10 Comments   ·   print

Culimada ku takhasustay cilmiga bulshadu wexey yiraahdaan, horumarka qofku uu noloshiisa ka gaaro waxaa asal u ahay boqolkiiba 85% qaab la dhaqanka iyo xiriirka uu la leeyahay dadka iyo bulshada halka boqolkiiba 15% ay tahay xirfaddaha/aqoonta cilmiyeed ee uu leeyahay wexey doonto ahaatee. Sidaa daraadeed ayaanu waxaan arrintaan ka diyaarinay maqaal. Xikmadda ku jirta maqaalkana waxaa laga soo ururiyey buug uu qoray Dale Carnegie 1936 marar dambena dib loo daabacay.

Fiiro gaar ah: Akhristoow ha fududaanin oo markii aad aragtid magaca qoraaga ha oranin fikir gaalo ayuu noo keenay. Ogaadana wax walba oo wanaagsan, diinteenana waafaqsan meesheey doonaanba haka yimaadeene waanu qaadaneynaa. Wixii xun oo aan diinteena waafaqsanayn meesheey doonaan haka yimaadeene waanu ka tegeynaa.

Haddaba su’aashu wexey tahay maxaa nagu xambaaray inaan mowduucan siino ahmiyadda weyn ee intaa le’eg. Jawaabtu wexey tahay akhristoow qofba qofkuu ka saaxiibo badan yahay, bulshada uu la nool yahayna saameyn weyn ku yeelan karo, ayaa sidoo kale qofkaasi firkirkiisa amase mabda,a uu aaminsan yahay uu ka gadi karaa bulshada uu la nool yahay.

Hadaba akhristoow qoraagu wuxuu buugiisa ku soo bandhigay farsamooyin iyo xeelado fudud oo aanu ku kasban karno saaxiibo badan oo wanwanaagsan, sidoo kalena bulshada aanu la nool nahay saameyn weyn ugu yeelan karno. Xeeladahii ama farsamooyinkii waa kuwan soo socda ee la soco:

6 siyaabood oo aad ku kasban kartid kalsoonida iyo jacaylka dadka.

1. Tus si dhab ahna u muuji inaad tixgelin gaar ah u hayso dadka

2. Dadka u waji furnoow, una dhoola caddee

3. Dadkana ugu yeer magacyada wanwanaagsan ee ay ugu jecelyihiin in loogu yeero

4. Noqo dhegeyste fiican, dadkana ku dhiiri geli iney fikirkooda dhiibtaan.

5. Ka hadal wixii qofka aad la hadleyso jecelyahay, qalbigiisana farxad gelinaya

6. Si dhab ah u dareensii qofka aad la hadleyso, inaad ahmiyad weynu hayso waxa uu ka hadlayo.

12 siyaabood oo aad fikirkaaga dadka uga dhaadicin kartid.

1. Iska ilaali dooda ah rag iska dhici, kana fogoow muranka.

2. Ixtiraam fikirka qofka kale, weligaana si toos ah, ha ugu oranin waad khaldan tahay.

3. Haddii aad khaldan tahay, si degdeg ah khaladkaaga u qiro, tusna inaad ka xun tahay khaladka kaa dhacay.

4. Weligaana adeegso wanaaga, dhimrinta iyo turidda. Kana fogoow ad adeyga iyo qalfsanaanta.

5. Weydii marka ugu horeysa qofka aad la hadleyso, su’aal ay jawaabteedu noqoneyso haa. Taaso ah macnaheedu yahay dareensiin, la dareensiinayo qofka lala hadlayo in wax la wadaago.

6. Isku day una ogoloow in qofka kula hadlayaa uu wax badan hadlo.

7. U ogoloow qofka aad la hadleyso inuu fikirkiisa iyo aragtidiisa soo bandhigo.

8. Isku day inaad si daacad ah u fahanto qofka kale aragtidiisa iyo dareenkiisa.

9. Isku day inaad la tacaadufto qofka kale aragtidiisa iyo dareenkiisa.

10. Gudbinta aragtidaada u adeegso, xikmad, dhaqan suuban, talo iyo tusaalayn.

11. Aragtidaada u soo bandhig qaab caqli gal oo ku salaysan waaqaca jira.

12. Iskana illaali adiga iyo qofka aad la hadleyso inuu idin dhexmaro wax baratan ah.

Waxaan dhammaan akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha leh ogeysiineynaa iney jiraan culumo badan oo muslimiin ah oo ku takhasustay cilmiga bulshada buugaag badana ka qoraty. Culumadeena sheekha ugu caansan ee wax ka qoray kasbashada quluubta banii,aadamka iyo xiriirka bulshada waxaan jeclahay inuu yahay sheikh Ibn al qayyim Al jawziyah Allaha u naxariistee. Waxaanu soo jeedineynaa in bulshada loo soo bandhigo maqaalo koobkooban oo laga soo diyaariyo kutubta noocaas oo kale ah si bulshadu loogu wacyi geliyo qiimaha iyo doorka ay leeyahay kasbashada quluubta ban,iiaadamku iyo saameynta bulshadu.

Wabillaahi Towfiiq

Mohamad Yusuf Muse

Copenhagen, Denmark



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sheekh Xasan Maxamed Muuse “Bookh ” oo Nadwada ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankuus ahaa “is khilaafka iyo raadkiisa xun”
  2. C/laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse oo saaka ka dhoofay Garoowe kuna sii jeeda Jabuuti
  3. Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim Yuusuf oo maalintii 5aad u xiran Sirdoonka Soomaaliland
  4. Ciidamada Amniga ee Uganda oo sii daayay Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde”
  5. Maxamed Cali Yuusuf (Gaa Gaab) “Maxkamaddu waxa ay sheegtay in niman budhcad ah ay igu wareejiyeen lacag 120 kun oo Dollar ah arintaas arin jirta ma ahan”

Readers Comments (10)

  1. alimahdi says:

    To mahamed yusuf walal acww adigoo mahadsan ma isku dayi kartaa inaa ii sahasho inaan helo buuga aad ka soo minguurisay sheekadan wax galka ah magaciisa
    walaalkaa ali mahdi
    minnesota USA

  2. Osman says:

    walaal aad iyo aad baad u mahadsantahay qoraal kaan aad noo soogud bisay ee ku dhisan xigmadda fadlan waxaan kaa codsanaynaa inaad qoraalo badan aad noo soo bandhigtaan oo ku saabsan mawduucaan

    mahadsanid
    Garowe somalia

  3. carab says:

    aad iyo aad ayaad u mahadsantahay walaal

  4. Sayid says:

    sc
    macluuma zaaida
    Dale karneeji wuxuu ahaa nin yuhuuda reer maraykan ah, wuxuuna dhintay ka dib markii uu is deldelay.
    wuxuu leeyahay kutub badan oo ka hadlan mawduucan waxaa ka mid ah “dacil qalaqa wabda’ al xayaad” murugada jooji oo nolol cusub bilow waana kitaab mawduuciisa ku keli ah.

  5. kheyr wade says:

    assalamu cwb
    waa mahadsantahay walal Mohamed muse.walal xaqiiqdii waxaa loo baahan yahay maqaladaan oo kale oo bulshadeena waxtar iyo faaido u leh,in la badiyo,khayr Rabbi ha kaa siiyo halkaa ka sii wad waan kaa faaiidnee adigana ilahay ha kuu faaiideeyo aamin.

  6. jibreel28 says:

    alimahdi buugga waxaa la yiraa=
    how to make friends and to inflowence people
    you can get it from every libarery.

  7. ahmed says:

    waa arin fiican oo ka maqan soomaalida , marka halkaas halaga wado , kolley somali ilah baa garanaya goortay isbadalayso

  8. Toto says:

    Xaajiga meesha maqaal aad qortay mayaalee waa buugii Saaxiibo Kasbo ama luqada ingiriisiga mar hore kusoo baxay ee la oran jiray How to influence the People

  9. Cali shire says:

    Walaalka soo qoray maqaalkan illaahyna ajar weyn Allaha ka siiyo. Walaalkana qoray maqaalka markii ugu horeysey ayuu afeeftay oo uu sheegay inuu murtida maqaalka ku jirta uu kasoo ururiyey buuga la yiraahdo How to win friends and influence people.

    Sidoo kalena waxa muhiimin ah inaan ogaano in walaalka eryadiisa u gaarka ah, cabirkiisa iyo fekerkiisuba ay ka dhex muuqdaan maqaalka.

  10. mamtaaz says:

    mohamed aad iyo aad u mahadsantahay maqaalkaan aaad ayaa ugu helay weey fiicnaan laheyd hadii aad noo soo badikartid qoraal kusaabsan buug




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh Xasan Maxamed Muuse “Bookh ” oo Nadwada ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankuus ahaa “is khilaafka iyo raadkiisa xun”
  2. C/laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse oo saaka ka dhoofay Garoowe kuna sii jeeda Jabuuti
  3. Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim Yuusuf oo maalintii 5aad u xiran Sirdoonka Soomaaliland
  4. Ciidamada Amniga ee Uganda oo sii daayay Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde”
  5. Maxamed Cali Yuusuf (Gaa Gaab) “Maxkamaddu waxa ay sheegtay in niman budhcad ah ay igu wareejiyeen lacag 120 kun oo Dollar ah arintaas arin jirta ma ahan”

Latest Headlines