Ugu yaraan afar ruux oo Soomaali ah ayaa la soo xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen rabshado culus oo maalmahan ka socda wadanka Yaman magaalooyin ka mid ah iyadoo dibadbaxyo dowlada looga soo horjeeday ay isu bedeleen rabshado kuwaasoo dhimasho iyo dhaawacba sababey.
Dadka Soomaalida ayaa ku dhintey magaalooyinka Sanca iyo Cadan oo ah labada magaalo ee ugu waaweyn wadanka Yaman waxayna dadkaasi ahaayeen dad rayid ah oo qaarkood rasaas ay ku dhacdey.
Qunsuliyada Soomaalida ee Cadan ayaa xaqiijisey dhimashada afarta ruux kuwaasoo lagu aasey gudaha wadanka Yaman. Waxaana qunsulka guud Xuseen Xaaji Axmed uu ugu baaqey dadka Soomaalida ee Yaman degan inay taxadar sameeyaan inta ay rabshadaha socdaan oo ay guryahooda ku ekaadaan.
Dhanka kale dowlada Yaman ayaa ciidamo amaanka ilaaliya ku kordhisay magaalooyinka waaweyn ee ay ka dhacayaan mudaharaadyada looga soo horjeedo maamulka Cali Cabdalla Saalax kuwaasoo weli ka dhacaya wadanka intiisa badan.
Arintan ayaa ku soo beegantey kadib markii wada hadal u socdey xubnaha mucaaradka iyo madaxwaynaha Yamanoo looga dalbanayey inuu xilka ka dego la isku afagaran waayey.

Related posts: