Dagaalada Muqdisho ka socda oo saameeyey Shirkadihii isgaarsiinta

Published on May 27, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Dagaalada culus ee mudooyinkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa saameyn xoogan ku yeeshey shirkadihii isgaarsiinta ee adeegyada kala duwan dadkqa ay ka heli jireen sida telefoonaada iyo internet-ka.

Usbuucan oo dagaalo xoogan ay ka dheceen jidka wadnaha oo ku djow suuqa weyn ee Bakaaro isla markaana ay ku yaalaan xarumaha shirkadaha isgaarsiinta ayaa waxay sababeen in guud ahaan magaalada Muqdisho uu ka go’o adeega telefoonka iyo intetnet-ka oo dad badan ay u baahi qabaan.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta saddexda shirkadood ee isgaarsiinta Muqdisho ugu waaweyn ayaa sheegay in dagaalada oo ku dhowaadey xarumaha shirkadaha darteed isgaarsiintii ay shaqeyn weysay, waxaana sidoo kale jira madaafiic ku dhacdey xarumaha isgaarsiinta oo sababtey in qeyb ka mid ah shirkadaha ay demaan mudo usbuuc ah.

Saraakiil ka tirsan shirkadaha isgaarsiinta oo magacooda ka gaabsadey ayaa sidoo kale sheegay in hadda xaalada ay tahay mid adag maadaama xarumahihii ganacsiga ugu weynaa ay ku yaalaan Bakaaraha isla markaana mdaafic lagu duqeynayo maalin kasta.

Shirkadaha xawilaadaha, bankiyada iyo jaamacadaha oo dhamantood ubaahi qaba isticmaalka internet-ka ayaa iyguna xirmey beryahan kadib markii ay waayeen adeegii internet-ka ee ay ku shaqeysan jireen.

Waxayna masuuliyiinta shirkadaha isgaarsiinta sheegeen inay hadda wadaan qrsheyaal kale oo ku aadn sidii xarumo kale oo kumeel gaar ah loo sameyn lahaa.

Ka sokow isgaarsiinta waxay dagaalada cakireen noloshii magaalada iyadoo ay gabis ku jiraan adeegyada kale ee aas aasiga ah sida iskuulada iyo jaamacadaha oo ay wadooyinkii ka xireen dagaalada.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Mareykanka oo Dhaleeceyay Dagaalada ka Socda Muqdisho.
  2. Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen 80 qof
  3. Golaha Iskaashiga Khaliij-ka oo ku Baaqay in la soo Afjaro Dagaalada ka Socda Muqdisho
  4. 5 Gole Dhaqan oo ku Baaqey in la joojiyo Dagaalada ka socda Muqdisho.
  5. Dagaalada & Duqeymaha oo wali ka socda Muqdisho iyo Al-shabaab oo soo bandhigtay saraakiil isku dhiibtay.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Mareykanka oo Dhaleeceyay Dagaalada ka Socda Muqdisho.
  2. Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen 80 qof
  3. Golaha Iskaashiga Khaliij-ka oo ku Baaqay in la soo Afjaro Dagaalada ka Socda Muqdisho
  4. 5 Gole Dhaqan oo ku Baaqey in la joojiyo Dagaalada ka socda Muqdisho.
  5. Dagaalada & Duqeymaha oo wali ka socda Muqdisho iyo Al-shabaab oo soo bandhigtay saraakiil isku dhiibtay.

Latest Headlines