Masuuliyiin ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weli baaritaan lagu hayo lix nin oo ajaaniib ah kuwaasoo 24-kii bishan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay iyagoo sitay 3-malyan iyo lix boqol kun oo doolar (3,600,000$) walina gacanta ugu jira Dowladda KMG ah. [SAWIRRO]
Warar ka soo baxaya baaritaankooda ayaa sheegeysa in Lacag hor leh oo ilaa Hal Malyan lagu sheegay laga sii helay mid ka mid ah Diyaaradii ay wateen oo wali taala Garoonka, iyadoo lacagahaas qeyb ka ahaayeen lacago loogu tala galay in madax furasho ahaan loo siiyo rag burcad badeed ah oo afduub u heysta maraakiib ku sugan xeebaha Soomaaliya.
Lixda nin ayaa labo waxay u dhasheen Ingiriiska, Labana Mareykan halka labo kalena ay sitaan dhalashada wadanka Kiinya waxaana sida saraakiil ka tirsan DKMG ah ay sheegeen ay wateen labo diyaaradood oo midi ka timid Kiinya mida kalana ay ka timid jasiirada Seychelis.
Dhowaan ayaa afhayeenka booliska C/laahi Xasan Bariise wuxuu sheegay in lixda nin Maxkamad la hor keeni doono, isagoo sheegay in lacagtii lagu qabteyna hadda ay taalo bangiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Howlaha daabulida lacagtan ayaa waxaa qandaraas ku qaatay Labo shirkadooda oo ah kuwa dalaaliinta fududeeya gaarsiinta lacagaha loo bixiyo madax furashada la siiyo Burcad badeedka, Labada Shirkadood ay horay qeyb uga qaateen fududeynta lacago malaayiin doolar oo lagu bixiyay madax furasho.
Dhinaca kale Lacagihii raggan wateen ayaa waxaa iyana lagu ilaalinayaa Xarunta Bankiga Dhexe ee Sil-silad weyne, halkaas oo Ciidamo Boolis ah la geeyay, iyadoo korna ka ilaaliyaan Ciidamada shisheeye ee AMISOM.

Related posts:
haaaaaaaaa iska cuna waa umaahantihiin
Askartan dadkeedii dhacda oo dadkeedii laysa hadday qabatay lacagahaas alshabaabka loo wado maxay u dhici wayday waa wax la is waydiiyo.