Prof. Cabdulmalik bin Cabdirraxmaan Al-shaafici ayaa soo saray kitaab cusub oo uu kaga hadlayo Shiicada iyo fikradda gaalaysiinta ummadda. Sheekhu wuxuu arrintaan u cuskaday kutubta Shiicada iyo hadaladii ay culumadooda. Kitaabka waxaa hordhac wanaagsan u sameeyey Dr. Muxammad Cabdulmuncim Al-bari oo ah madaxa xarunta cilmibaarista islaamiga ee Al-azhar, horeyna u ahaa madaxa jabhadda culumada Azhar.
Dr-ku wuxuu hordhaciisa ku tilmaamay in fikradda gaalaysiinta ummadda ee ay xambaarsantahay kooxda Shiicadu inay ka khatar badantahay fikraddii ay xambaarsanaayeen kooxdii Khawaarijta; waayo Khawaarijtu gaalaysiintooda waxay u cuskadeen Qur’aan iyo xadiis ay si qalloocan u fahmeen, laakiin Shiicadu wax Qur’aan iyo xadiis ah ma daliishan ee waxay ummadda ku gaalaysiinayaan sheekooyin ay iyagu been abuureen. Tan kale Khawaarijtu waxa ay aaminsanyihiin way caddaysan jireen, waxaana dhici jirtay inta culumadu kala doodo in qaar badan dib ugu soo noqdaan caqiidada saxan ee ummadda halka Shiicadu ay inkirayso gaalaysiinteeda.
Kitaabkaan qiimihiisa gaarka ah waxaa ka mid ah inuu si toos ah wax uga soo guurinayo kutubta waaweyn ee Shiicada, taas oo farta u saaraysa qofkii shaki kaga jiro caqiidada qalloocan ee Shiicada, wuxuuna qofkaasi dib u eegi karaa kutubta Shiicada ee Sheekhu hadaladaan ka soo guuriyey.
Waxaa xusid mudan in kooxda Shiicadu beryahaan dambe dhulka muslimiinta ka wadey olole ba’an oo ay dadweynaha muslimka ah uga dhaadhicinayso Shiicanimada iyo colaadinta asxaabta nabiga iyo xaasaskiisa. Arrintaas oo ay culumadu si joogto ah ugaga digaan muslimiinta, ayna la sameeyaan dodo ay dad badani kaga soo noqdaan caqiidada qalloocan ee Shiicada.

Related posts:
Dad Abubakar iyo Cumar la col ah oo gaalaysiinaya asxaabtii nabiga iyo xaasakiisa maxaa muslin loogu sheegayaa?. Dadkaas Ilaahay dhulkena horey uma keenin, hadana Ilaahay waxaan la baryaynaa in aysan na soo gaarin.
Culimada iyo dadka diinta wax ka yaqan ha ka digen nimankaan sharkooda iyo xumaantooda. Meeshii lagu arkana tillaabo ha laga qaado; waayo fasaadkii ay Ciraaq ka dhigeen oo kale ayay inoo gaysanayaan. Naagihii uurka lahaa bay dooxayaan. Masaajidyadii bay qarxinayaan!.
Salaamulaah
waxaa mahad ilaahay ah sida umadda soomaaliyeed dayac badan oo caqiido xumo ah loogu dhexfidiyay iyo sidaanay usoo gelin caqiidadaas xun shiicanimadu oo ah belaayo hulaaban oo cadaawad uhaya muslimiinta safkana kula jira gaaladda intooda badan ilaah nimuu unaxaristay mooyee.
Hadaan xaqqa diinta guraca iyo iftiraaga ay kuhayaan ka aamuso waxaan laga aamusi karin waxay sameeyaan markay yimaadaan dhulka gaaladda,waxaa laysku dhiibaa John michel,french saliibkiina qoortuu ugu jiraa,marmarka qaarkoodna waxaa lasheegtaa ragga xunxun ee looyaqaan (Homesexual) marka lagaaro xilliga karbalana masaajidaa lagu arkaa yurub.
Markaa shiico walaakaraama Umadda soomaaliyeedna halooga digo weliba reer koonfureedka fartaa lagu gudijiray inay qaarshiicoobeen xiliyadii kacaanka ee shuuciyadda waxaana laga heli jiray masaajid xasan iyo xusain lagu qoro.markaa iyagana xadaari xadaari xadaari haadal madhabil alhadaama
in aad qofkii ku khilaafa gaalaysiiso waa calaamadaha ugu waaweyn ee lagu garto ahlul bidaca .
dadka lumaa kuma ekaadaan inay ku gaalaysiiyaan ama ku bidcaysiiyaan ee waxay u gudbaan haddii ay awood u helaan dhiigaaga maalkaaga iyo sharafkaaga.
xaqa iyagaa isku jaangooya , iyagaa miisaankii ah , cidii raacdaa waa saxan tahay cidii khilaaftaa 100% waa khaldan tahay , ma kala saaraan masaa’sha la isku khilaafi karo iyo kuwa asaaska ah ee aan la isku khilaafi karin sida rumaynta ALLAAH , qiyaamaha , nabiyada iwm.
Takfiirintu waa xukmi sharci ah, hadii diinta loo maro waana nala amray inaan ku kufrino dhaghuutka iyo inaan takfiirino gaalada Ahlul Kitaabka, Mushrikiinta iyo kuwa gadaal ka kufriya oo ridooba.
Laakiin waxaan la ogolayn in ruux Muslim ah la gaaalaysiiyo.
Masaaisha aan la isku khilaafi karin ee usuusha ka mid ah, waxaa ka mid ah Muwaalaatul Kuffaar, Xukmu dhwaaghiit…