Ingiriiska oo ku Dhawaaqay in ciidankiisa uu ka guranayo Afqaanistaan [Warbixin]

Published on May 22, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Dowlada Ingiriiska ayaa maanta si rasmi u cadeysey in ciidanka ka jooga Afqaanistaan ay ka qaadaneyso ka dib markii ay ku bateen weerarada iyo qaraxyada sida tooska ah loola beegsanayo ee ka socda gudaha wadanka Afqaanistaan kuwaasoo ay ku sheegtey inaysan ka reyn lahayn.

Raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameroon ayaa shaaca ka qaadey in 4,000 askari oo ka mid ah kuwa ada marka hore la qaadayo kadibna ay isku xigi doonaan ciidanka kale ee ka joog Afqaanistaan arintaasi oo ka nixisay Maraykanka iyo Naato.

Cameroon ayaa sheegay in adankiisa uusan awoodin inuu u sii dulqaato dhimashada askarta ee maalin walba ka dhacaysa Afqaanistaan iyo sidoo kale dhaqaalaha baaxada leh ee kaga khasaara dagaalka Afqaanistaan maadaama uu yiri dhaqaalihii reer galbeedka uu liciifey.

Dadka arimaha militariga yaqaana waxay sheegeen in sababta ciidanka Ingiriiska mar qura u wada bixi karin ay tahay iyagoo ka baqaya in inta ay guurayaan weeraro lagu soo qaado taas bedelkeedana waxay goosteen in hadba qeyb ay maalin guurto.

Wararka ayaa sheegaya in taladan uu ku dhawaaqey raysal wasaaraha Ingiriiska uu keligii goostey kadib markii sida la sheegayo ay soo bateen cambaareynta iyo dhaliilaha kaga imaanaya dadka wadankiisa oo wiilashooda lagu dilayo gudaha Afqaanistaan kuwaasoo maalin walba waraaqo aflagaado ah u soo dira xafiiska raysal wasaaraha ee Down Street.

Arintii ugu danbeysay ee uu David Cameroon ka caroodo ayaa ahayd hadal aflagaado ah oo ay wargeysyada Ingiriiska soo daabeceen kaasoo ay ka soo xugteen haweeney waayeel ah oo Ingiriis ah taasoo wiilkeeda uu garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul usbuuc ka hor ku toogtey askari Afqaanistaan u dhashey kadib markii uu muran dhexmarey. 

Islaantaasi Ingiriiska ee wiilkeeda la diley ayaa meydkii wiilkeeda laga qariyey, waxayna wareysi ay siisey wargeysyada ku tilmaantey raysal wasaaraha nin doqon ah oo aan garayn xushmada waalidku leeyahay.

Hadalkan ayaa la sheegay in David Cameroon uu ka caroodey balse kuma dhiiran inuu soo xiro haweeneyda maadaama Sharciga reer galbeedka uu fasaxayo in la isceyn karo ama xumaan la isku sheegi karo.

Waxaana taa bedelkeeda uu isaguna ku dhawaaqay in uu askarta Ingiriiska ka soo saari doono Afqaanistaan si uu iskaga yareeyo cadaadiska iyo aflagadada dadku u soo gudbinayaan.

Balse go’aanka raysal wasaaraha Ingiriiska wuxuu walwal ku abuurey Nato oo Maraykanka uu hormuud u yahay oo iyadu aan ku dhiiran karin inay keligeed ka dagaalanto Afqaanistaan rabtana dowlado dabka kulla gala magac xulufeysi.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Taliska Ciidanka Ingiriiska “Afqanistaan waxaan ku sugnaanaynaa 30 illaa 40 sano oo Danbe”
  2. 2 Askari oo Ingiriis ah oo lagu dilay Afqaanistaan
  3. Holand oo Ciidamadeeda kala baxaysa Afqaanistaan ka dib Bur-bur ku yimid Xukuumadeeda
  4. Maxkamad Ingiriis ah oo Madaxa Ciidanka Ingiriiska ku xakuntay in uu is casilo kadib fashil ku yimid
  5. 2 Askari oo Ingiriis ah oo lagu Dilay Afqaanistaan

Readers Comments (1)

  1. cali says:

    Inta aanu gaal baari lihin dhiganin buugiisa

    ama aan la oran somaalidaa sida bidaha iibsha

    Gobanimo bilaash laguma helo
    ban iska taal-taal!!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Taliska Ciidanka Ingiriiska “Afqanistaan waxaan ku sugnaanaynaa 30 illaa 40 sano oo Danbe”
  2. 2 Askari oo Ingiriis ah oo lagu dilay Afqaanistaan
  3. Holand oo Ciidamadeeda kala baxaysa Afqaanistaan ka dib Bur-bur ku yimid Xukuumadeeda
  4. Maxkamad Ingiriis ah oo Madaxa Ciidanka Ingiriiska ku xakuntay in uu is casilo kadib fashil ku yimid
  5. 2 Askari oo Ingiriis ah oo lagu Dilay Afqaanistaan

Latest Headlines