Imtixaanada dugsiyada sare ee Puntland oo si rasmi ah u Bilowday

Published on May 22, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Waxaa guud ahaan magaalooyinka Puntland uga bilowday imtixaanada dugsiyada sare ee sanadkan 2011 kuwaasoo ka dhacaya dhamaan digsiyada sare ee ku yaalla magaalooyinka maamulka Puntland, waxaana imtixaanka sanadkan u fariisanaya arday gaareysa 1,524 guu dahaan.

Imtixaanada ayaa shaley ka bilowday magaaooyinka Boosaaso, Garowe, Qardho, Gaalkacyo, Galdogob, Baran, Dhahar, Carmo iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobalada.

Wasaarada waxbarashada ayaa sheegtay in imtixanka sanadkan la mideeyey dhamaana dugsiyada ay hal imtixaan wada galayaan, looguna talagalay in isku waqti uu dhamaado.

Sidoo kale waxay wasaaradu sheegtey in 55 kormeere oo ilaaliya qaabka imtixaanada u socdaan ay u dirtey dhamaan gobalada kala duwan, waxaana la filayaa in usbuuc uu socdo imtixaanka.

Sidoo kale ardeyda dugsiyada sare iyo maamulka waxbarashada ee dugsiyada sare ayaa sheegay in sanadkan imtixaanadka ay ka duwan yihiin sanadihii hore oo gobal kasta gooni u geli jirey, iyadoo aysan mideysneyn manhajka wax lagu barto.

Waxaan imtixaanka dugsiyada sare ku xigi doona midka dugsiyada dhexe oo la filayo in ardeyda ka gudubta sanadka danbe u gudbaan dugsiga sare haddii Alle idmo.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Wasaarada waxbarashada Puntland oo kormeerayaasha Imtixaanada Dugsiyada sare iyo Dhexe u dirtay Gobalada
  2. Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee S/liland oo Shaaciyey natiijadii Dugsiyada sare iyo Dhexe ee sanad dugsiyeedka 2008-2009
  3. Dowrooyinkii xiliga xagaaga ee loo qaban jiray Ardayda Dugsiyada Sare oo Maanta ka bilaabatay Magaalada Laascaanood
  4. Imtixaankadka Semester 1-aad ee sanad dugsiyeedka 2009-2010 ee Jaamacadda Bariga Afrika oo lagu wado in uu Bari si rasmi ah u bilowdo
  5. Maamulka Puntland oo deeq waxbarasho ka helay Maamulka Dowladda Deegaanka Somalida Itoobiya

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wasaarada waxbarashada Puntland oo kormeerayaasha Imtixaanada Dugsiyada sare iyo Dhexe u dirtay Gobalada
  2. Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee S/liland oo Shaaciyey natiijadii Dugsiyada sare iyo Dhexe ee sanad dugsiyeedka 2008-2009
  3. Dowrooyinkii xiliga xagaaga ee loo qaban jiray Ardayda Dugsiyada Sare oo Maanta ka bilaabatay Magaalada Laascaanood
  4. Imtixaankadka Semester 1-aad ee sanad dugsiyeedka 2009-2010 ee Jaamacadda Bariga Afrika oo lagu wado in uu Bari si rasmi ah u bilowdo
  5. Maamulka Puntland oo deeq waxbarasho ka helay Maamulka Dowladda Deegaanka Somalida Itoobiya

Latest Headlines