Qaar ka mid ah xaafadaha degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad waxaa ka socda dagaalo xoogan oo u dhexeeya ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa DKMG oo gacan ka helaya kuwa shisheeye.
Dagaaladan oo ay wehliyeen madaafiic culus oo magaalada lagu garaacay ayaa waxay xoogooda ka dheceen xaafado ka tirsan labada degmo ee Hodan iyo Hawlwadaag oo beryahan dambe dagaalda ay u badnaayeen.
Inta la og yahay dagaalka maanta waxaa ku dhintay 3 ruux halka shaleyna 4 kale ay geeriyoodeen sida Somalimirror u sheegeen masuuliyiinta gurmadka ee dhaawacyada iyo meydadka qaada.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya oo la xiriira khasaaraha balse waxaa weli jirta hanjabaado warbaahinta ay isu marinayaan labada dhinac.
Dagaaladan ayaa saameyn weyn waxay ku yeesheen suuqa Bakaaraha oo la dhihi karo badankiisa wuu xiran yahay.

Related posts: