Cumar Isloow “Shirkii labada Shariif wax natiijo ah kama soo bixin”

Published on May 21, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Xildhibaan Cumar Isloow oo ah xoghayaha barlamaanka DKMG ee Soomaaliya oo maanta shir saxaafadeed ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulan maalmahan madaxwaynaha DKMG iyo gudoomiyaha barlamaanka uga socdey magaalada Muqdisho uu ku dhamaadey natiijo la’aan  la iskuna fahmi waayey.

Xildhibaan Cumar islow ayaa sheegay in gabi ahanba ay fashilmeen wada hadaladaasi u dhexeeyey madaxwayne Shiikh Shariif iyo afhayeenka baarlamaanka isla markaana lagu guur dareestay in ay wax natiijo ah ah ay ka soo baxdo.

Waxa uu sheegay xildhibaan Cumar Islo in doorashadii gudoonka iyo tii madaxwaynaha o uu muranku ka bilowday a ay dhici doonto Bisha Juun ee soo socota isla markaana la dooran doono madaxwayne iyo Gudoomiye baarlamaan.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Maalmahaan ay jireen kulamo  u dhaxeeyay madaxwaynaha dowlada KMG Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif xasan Sheekh Aadan oo ay rabeen inay heshiis kaga gaaraan khilafka iyaga dhex yaala, waxaana dhowr jeer xildhibaano iyo dad kalaba ay xataa ku baaqeen in kulamadaasi lagu dhameeyo madmadowga u dhexeeya labada nin laakiin Cumar Isloow ayaa maanta sheegay in gogoshii labada Shariif ay ku kala dareereen.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Shirkii madaxda Afrikaanka ee ka dhacay Addisababa oo lasoo gabagabeeyey natiijo la’aan
  2. Xildhibaano taageersan Shariif Xasan oo eedeyn u soo jeediyey Shiikh Shariif
  3. Shirkii Djibouti oo la soo gabo gabeeyay Natiijo la’aan.
  4. Shirkii M.Afrika oo ku soo Idlaaday Natiijo la’aan
  5. Shiikh Shariif oo kulan irdaha u xirnaayeen la qaatay madaxwaynaha Yugaandha

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shirkii madaxda Afrikaanka ee ka dhacay Addisababa oo lasoo gabagabeeyey natiijo la’aan
  2. Xildhibaano taageersan Shariif Xasan oo eedeyn u soo jeediyey Shiikh Shariif
  3. Shirkii Djibouti oo la soo gabo gabeeyay Natiijo la’aan.
  4. Shirkii M.Afrika oo ku soo Idlaaday Natiijo la’aan
  5. Shiikh Shariif oo kulan irdaha u xirnaayeen la qaatay madaxwaynaha Yugaandha

Latest Headlines