Warbixin :- Sharikadda Bangiga iyo Xawaaladda Amal oo si weyn uga qeyb qaadatay bandhig Carweedka ka dhacay Magaalada Boosaaso

Published on May 20, 2011 by   ·   3 Comments   ·   print

bandhig carweedkii lagu qabtay Hoolka weyn ee Jaamacada Bariga Afrika ee Magalaada Boosaaso waxa uu ahaa bandhigii kowaad ee noociisa ah ee lagu qabto deegaankada Puntland waxaana bandhigaas ka soo wada qeyb galay sharikado kala duwan oo macradka ku soo bandhigay badeecooyin kala duwan waxaan warbixintan uga hadli doonaa Sharikadda Bangiga iyo Xawaalada Amal iyo sidii ay macradka ku joogtay iyo waxyaabihii ay soo bandhigta (SAWIRRO)

logo-da Bangiga iyo Xawaalada AMAL EXPRESS

Hordhac

Bandhig carweeedkii kowaad ee ay Runta Ganacsiga Puntland ku soo bandhigtay Hoolka weyn ee shirarka Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso waxa uu ahaa mid si weyn ay uga soo wada qeyb galeen dhamaan sharikadaha waa weyn ee ka jira Deegaanada Puntland magacana ku leh dhaq dhaqaaqa ganacsi ee ka jira Gobolka “Geeska Afrika”,badhigan waxaa si siman uga wada qeyb galay sharikadaha waa weyn kuwa heerkoood dhex dhaxaadka yahay iyo kuwa soo koraya waxayna dhamaantood soo wada bandhigeen agabka ay hayaan oo qiimo jaban taas oo fursad u noqoday dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ay si isku mid ah uga wada faa’iidaystaan.

Qormadan waxa aynu ku eegi doonaa Shirkada Bangiga iyo Xawaaladda Amal iyo sida ay uga qeyb qaadatay bandhiga intii uu socday.

Ka qeyb galka iyo u diyaar garowgii ay Sameysay Shirkaddu bandhigga 

Shirkada Bangiga iyo Xawaaladda Amal oo lagu tiriyo Shirkadaha da’da ah ee ka jira Dalka Soomaaliya gaar  ahaan xarunteedda ku taalada Magaalada Boosaaso waxa ay sameysay diyaar garow wanaagsan oo la xidhiidha sida ay uga qeyb galeyso bandhiga inta uu socdo ,waxayna shirkaddu mataleysay kaalinta shirkadaha koowaad “Gold” marka laga eego heerka ay shirkadu ku kala joogeen bandhiga qeybihiisa kala duwan.

Shirkadaha ka qeyb galay bandhigga ayaa kala lahaa herar sadex ah kuwaas oo kala ahaa sedan:-

1-      Shirkadaha waa weyn kaalinta “Gold”

2-      Shirkadaha dhex dhexaadka ah “Silver”

3-      Shirkadaha hoose  “Browce” 

Diyaar garowda ay sameysay Shirkadu waxa uu ahaa mid la xidhiidha adeega ay soo bandhigayso iyo sida ay macaamiishu ula jaan qaadayaan hanaanka cusub ee ay shirkadu adeegsan doonto inta lagu guda jiro bandhiga ,waxayan taasi muujineysaa in Shirkadu ay tahay mid ku lamaansan dhamaan hormarka dalka qeybihiisa kala duwan.

qaar ka mid ah howladeenada AMAL BANK oo dhex taagan Hoolka bandhigu ka socday

Waxayaabihii ay Shirkadu ku soo bandhigtay bandhigga  

Shirkaddu wax ay ku soo bandhigtay bandhig carweedka koowaad ee sanadkan dhamaan adeegyadii shirkada lagu yaqaanay ayna ku caanka ahayd ha ahaato xawaalad(lacag diris iyo qaadasho) Bangi iyo adeegyada kale ee ay Macaamiishu uga barteen .

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay shirkadu soo bandhigtay waxaa ka mid ahaa hantida ma guurtaha ah ee ay shirkadu leedahay kuwaas oo laga arkyay dhisamayaasha ay shirkadu ku leedahay Magaalooyin kala duwan oo dalka Soomaaliya ku yaala iyo dibadiisaba, waxa ay taasina kalsooni siineysaa macaamiisha iyo dadka isticmaala adeegyada Shirkadda Amal in ay ogaadaan in shirkaddu ay tahay mid la isku haleyn karo.

Kaliya ma aysan soo bandhigin shirkadu hantideeda ma guurtada ah ee waxaa garab socday adeegyadii kala duwanaa ee ay Shirkadu u qabanysay macaamiisheda oo ay ugu horeysay in goobta ay shirkadu ka daganeyd Bandhiga ay macaamiishu ka helaan dhamaan adeegyadii ay shirkada uga baahnaayeen ayna magaalada u aadi lahaayeen waxyna macaamiishu  si sahal ah uga qaadanayeen lagacaha loogu soo diray shirkadda ama ay ku dirsanayeen iyadoo ay u dheertahay in Accoun-nadda ay ku leeyihiin qeybta bandhiga ay lacag dhigan karaan sidoo kalena kala bixi karaan.

Macaamiisha iyo sida ay ula qabsadeen adeega ay shiradku soo bandhigtay 

Qeybaha kala duwan ee Macaamiishu waxa ay xarunta ay shirkadda Amal ku daganeyd hoolka bandhiga ka helayeen dhamaan adeegyada shirkadu bixiso oo la fududeeyay shaqaalaha oo jooogto ku ah  Booska shirkadu ka dagan tahay bandhiga si macaamiisha mar kasta oo ay u soo baahdaan u helaan adeegyadii ay sharikadda uga barteen.

Fursadda ay macaamiishu ka heleen shirkadda xarunteeda ayaa ah bixinta lacagta taas oo ay macaamiishu u adeegsanayeen in ay uga dukaameystaan agabka kala duwan ee Carwada lagu soo bandhigay.

Sidoo kale waxa ay macaamiisha shirkadda ka helayeen hadiyado ay ka mid ahaayeen buugaag ay shirkadu ugu tala gashay macaamiisheeda boodhadhka Kalandarka iyo adeegyo kale oo ay aad uga mahad celiyeen macaamiishu.

Dhamaan macaamiisha waxa ay goobta ay Sharikaddu ka dagantahay Hoolka si siman oo aan mashquul lahayn uga wada helayeen taasi uu muujineysa in Sharikaddu mar walba ay muhiimada koowaad siineyso macmiilkeeda an ay ku wehliso goob kasta oo uu ka tabi karo ama uga baahan karo .

qaar ka mid ah dadka carwada soo booqday oo kutub diini ah iibsanaya

dadka oo ku dhex sugan carwada waxna ka siibsanaya

Arinta Shirkada Amal ee ku aadan Ruggta Ganacsga iyo sida ay u diyaarisay Bandhigga  

Marka aynu soo qadano aragtida Sharikadda Amal ee ku aadan hanaanka ay Rugta Ganasiga iyo Warshadaha Puntland u diyaar gareysay ama u habeysay bandhig cawreedka koowaad ee sanadkan 2011 waa mid aad u wanaagsan waxayna sharikadda Amal ahaan bandhigan u aragtaa in uu yahay mid isku day wanaagsan ah midha dhala ah bulshada qeybaheeda kala duwanna soo xasuusinaya bari samaadkii iyo bandhiyadii la soo bandhigi jiray.

Shirkadda Amal waxa ay sidoo kale bandhigan u aragtaa in uu wax badan ka taray is dhex galka bulshada iyo ganacsatada qeybahooda kala duwan marka laga tago in shirkaduhu ay soo bandhigeen badeecooyin qiimo jaban waxa ay badalka taas goobta ka heleen macrifo badan oo la xidhiidha macmiil ay kasbadeen iyo badeecooyinkooda oo la ogaaday.

Sidoo kale waxa ay Sharikadda Amal amaan guud u jeedineysaa Ruggta Ganacsiga oo dadaal dheer ku bixisay qabsoomidda bandhig carweedka sanadkan Alle ka sokow ,isku dayga ay sameysay Ruggta Ganaciga iyo Warshadaha Puntland waxa uu ahaa isku day aad u muhiim ah bulshada ay ka faa’iidaysatay ,waxaana ku rajo weynahay in isku daygan uu sii socdo lana qabto bandhig kan hadda dhacay la mid ah.

Gabagabo

Bandhig carweedka ay soo qaban qaabisay Ruggta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ee ka dhacay Hoolka weyn ee Jaaamacadda Bariga Afrika mudadii u dhaxeysay 15-5-2011 ilaa 20-5-2011 waxa uu bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland siiyay dhaq dhaqaaq ganaci oo ay aad  bulshadu ula dhacday ama ka heleen dhamaan habiyahoodii kala duwanaa ee la xidhiidhay noloshooda ha noqoto dhinaca Cuntada, Bagaashka ,Electoric’s ,Technology ,Caafimaadka, Waxbarashada, wax soo saarka Warshadaha Maxaliga ah, Isgaadhsiinta ,Adeegyada Bandhiga, Adeegyada Xawaaladda .

Bandhiga waxaaa ka wada qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee shisradaha ka jira deegaanada Puntland waxaana bandhiga ka qeyb galay ilaa 50 Shirkadood wuxuuna bandhigani socday 5 maalmood oo isugu jirtay subax,galab iyo habeen.

Intuu uu bandhigu socday waxyabaaha la soo bandhigay ganacsi oo kaliya ama ahayn sidoo kale waxaa la soo bandhigay kheyraadka uu dalku leeyahay iyo waxsoosaarkiisa ,waxaa sidoo kale la soo bandhigay dhaqanka ay dadka Soomaalida ah gaar ka u leeyihiin kala gaarka yihiin shucuubaha kale “hidaha iyo dhaqanka”.

Dad weynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa siyaabo kala duwan uga faa’iidaystay badeecooyinka kala duwan ee ay Sharikaduhu ku so bandhigeen kuwaas oo qiimahood aad u hooseeyay marka loo eego qiimayaashii marka hore la siisan jiray, dadka ugu badnaa ee bandhiga ka faa’iidaystay ayaa u badnaa Ardayda wax ka barata Jaamacadda Bariga Afrika ee Bosaaso oo ah laheyd Hoolka wax lagu soo bandhiyay .

Bandhigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu soo bandhigo Deegaanada Puntland waxaana lagu wadaa in bandhigan sii socon doono sanadkiiba mar xiliyadan oo kale la qaban doono haduu Alle idmo.

logo-da Bangiga iyo Xawaaladda AMAL EXPRESS

 

midig- Mareyaha AMAL - bidix Jaamac

Maareyaha AMAL Puntland Maxamuud Qorane Maxamed - Bidix Jaamac oo ka mid ah howlwadeena amal

muqalo kala dwuan oo tusinaya hantida ma guurtada ah ee amal & adeegyada ay bixiso

muqal tusinaya dhisamayaasha ay AMAL leedahay

qaar ka mid ah howladenada Amal Bank oo hortagan goobta amal ee carwada

kheyraadka badda oo ka mid ahaa waxyaabihii bandhiga la keenay

calamo muujinaya wadama ka qeyb galay

gawadhida oo tagan halka loogu tala galay safna ku jirta

furitaankii Xaflada Bandhig carweedka

Wasiirka Ganacsiga Puntland oo xadhiga ka jaraya bandhig carweedka

dadweynaha oo ka dukaameysanaya Hoolka xiliga habeenkii ah
iridda laga galo Hoolka uu bandhigu ka socday
Iridaha laga soo boxo Hoolka marka la galo kadib
Muuqalka guud ee Hoolka bandhigu ka socday

Muqalka hoolka



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Shirkadda Xawaaladda Amal oo Xaflad u qabatay qaar ka mid ah Shaqaalaheeda oo Tababar qaadanayay mudo bil ah
  2. Bandhig Carweedkii koowaad ee ka socday Magaalada Boosaaso oo galabta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay
  3. Booliska Boosaaso oo baaritaan ku sameeyey qeyb ka mid ah masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso
  4. Sh. Max’ud oo si Weyn looga Qeyb galay Aaskiisii Magaalada Muqdisho
  5. Magaalada Boosaaso oo Saaka si weyn looga ciiday

Readers Comments (3)

  1. dahir says:

    waxaan aad ugu farxay muuqaalka idhahaygu ii soo gudbiyeen ee tilmaamaya horumarka soomaalidu gaartay gaar ahaan gobolda waqoooyi bari
    dhinaca dhaliisha dhinaca dhismayaasha waan ka liidanaa marka la eego si maanta caalamku u dhismayo
    by dahir

  2. Magan says:

    Runtii magacan puntland waa fabric ay dad sameeyeen ee dib ha loogu noqdo magacyadii la kala oran jiray ee Gobolka bari, Gobolka Nugaal iyo gobolka Mudug.
    Aad ayaan ugu tahniyadayn horumarka uu gobolka Bari gaaray.

  3. carab says:

    amal meesha iyadaaba heysata sida ka muuqata sawirada ……

    bandhiga waxaan moodayay in badeeco la keenayay ileen xataa kutub aya ku jirtay aqal soomaliga iyo bander siyaada bandhigooda ayaanba caadi ahayn

    hambalyo amal

    shicaarka aad soo sameysateena aad ayuu u wacan yahay aad ayan uga helay




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shirkadda Xawaaladda Amal oo Xaflad u qabatay qaar ka mid ah Shaqaalaheeda oo Tababar qaadanayay mudo bil ah
  2. Bandhig Carweedkii koowaad ee ka socday Magaalada Boosaaso oo galabta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay
  3. Booliska Boosaaso oo baaritaan ku sameeyey qeyb ka mid ah masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso
  4. Sh. Max’ud oo si Weyn looga Qeyb galay Aaskiisii Magaalada Muqdisho
  5. Magaalada Boosaaso oo Saaka si weyn looga ciiday

Latest Headlines