Waxaa si habsami ah u socda dhismaha wado loogu magacdaray Wadaagsin oo isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Jariiban taasoo ay isu xilqaameen dhismaheeda dhalinyro deegaanka ah iyo ganacsato, Waxayna arintaasi meesha ka saartey fikradii laga qabay bulshada Soomaaliyeed ee ahayd inaysan iyagu wax qabsan karin balse hadda si caddaan ah u muujiyey in Soomaali waxqabsan karto. [SAWIRRO]
Dhismaha wadadan Wadaagsin waxaa bishii 5aad ee Sanadkii 2010 bilaabay dhalinyaro ka mid ah dhalinyarada Gobalka Mudug gaar ahaana degmada Jariiban waxayna dhalinyaradani isku xilqaameen in ay wax ka qabtaan dayaca ka jira wadada isku xirta Degmooyinka Gaalkacyo iyo Jariiban ee Gobalka Mudug oo dadku ay ku qabeen dhibaatooyin farabadan oo xaga adeega bulshada ah, wadaduna ay ahayd mid aad ugu xun safarka islamarkaana ay aad iyo aad u adkayd isku xirka bulshada iyo degaankaba.
Dadaalkan dhismaha wadada Wadaagsin wuxuu ku bilawday hab shaqa gacmeed ah oo la isticmaalayo qalabka fudud ee gacanta sida Badeelo, Garweynno, Gaari gacanno iyo waxyaabaha la midka ah, waxayna dhalinyaradu meelaha qaar wadada ku sameeyeen Toosin, Buuxin meelaha bacaadka ah iyo dhagax ka saarid.
Bilawgii sanadkan 2011 ayaa qaybo ka mid ah dadweynaha deegaanka iyo ganacsatada Gobalku markay arkeen dadaalka firfircoon, waxqabadka iyo niyad samida dhalinyaradaasi waxay ugu deeqeen qalab shaqo oo ka koobnaa 1 CAGAF AH iyo 1 GAARI OO ISKA ROGE AH si ay ugu dhiirigaliyaan shaqada ay hayaan dhalinyaradu, qaybo kalana waxay ku deeqeen booyad iyo Ruler (dhul sinto) inta shaqadu socoto ah.
Qalabkaasi markii ay dhalinyaradu heleen waxay ka shaqa bilaabeen wadada isku xirta Godod iyo Ceel bardaale gaar ahaan deegaanka Dhabar jiilaal makare oo u dhexeeya Godod iyo Gacnafale oo ay hada shaqadu si toos ah uga socoto lagana wado dhismaha waddo Jey ah (Carra kaawo) , waxaana hada laga shaqeeyay waddo 3km dhererkeedu yahay 10m uu balaceedu yahay.
Sidoo kale waxay dhalinyaradu horay uga soo shaqeeyen wadadda isku xirta beesha Balibusle iyo Buubi gaar ahaan deegaanka Gubatodheer oo ay dhiban ku qabeen gaadiidka iyo dadka ku safra, waxayna dhalinyaradu wadadaasi ku sameeyeen hawlo isugu jira Toosin, Buuxin meelaha bacaadka ah iyo dhagax ka saarid.
Sidaa darteed Hawlwadeenada dhismaha wadadan waxay soo saareen baaq iyo codsi ku wajahan guud ahaan bulshada Soomaliyeed gaar ahaan Maamulka Puntland heer Gobol iyo heer dawlad dhexeba, Ganacsatada iyo inta jecel horumarka iyo Wanaaga dalka waxayna codsanayaan in lagu garab siiyo dhamaystirka wadadaas haday ahaan lahayd dhinacyada agabka lagu dhisayo wadooyinka, gaadiid iyo dhaqaale lagu maalgaliyo wadadaas.
Sida la saadaalinayo hadii dadka iyo dowladuba gacan ka geystaan dhismaha iyo dhamaystirka wadadaas waxaa hubaal ah in wadadan ay noqon doonto mid ay ku nafisaan dadka isticmaala wadadaas ,deegaankana ay uga hirgalaan mashaariic badan oo muhiim u ah bulshada deegaanka Wadaagsin.
Dhalinyarada howshan isku xilqaantay waxa ay ku kalsoonyihiin in si weyn looga qeyb qaadan doono maadaama ay tahay arintan mid guud ama faaiido u leh dadka iyo dalkaba .
Hal kudhiga dhalinyarada isku xilqaantay dhismaha wadadan waa ( Hadaynu Isku Tashano Waanu Dhisi dhulkeena).
Haddaba waxaad kala xiriiri kartaa dhalinyarada isu xil qaantay dhismaha wadadaasi Shirkadda Dhismaha ee Dhextaal, Tell: +252-90751877, Email: Cawil126@hotmail.com.

No related posts.
No related posts.