Wasaarada caafimaadka wadanka Yugandha ayaa si rasmi ah u shaacisay in cudurka Ebola oo ah xannuun ka dhasha Feyrus loo yaqaano “Ebola” inuu ka dilaacay gudaha wadankaasi kaasoo diley gabar 12 jir ah.
Sarkaal u hadlay wasaarada caafimaadka Yugandha ayaa sheegay in gabdhaasi ay ku geeriyootay tuulo lagu magacaabo Lewuro oo wax yar u jirtamagaalada Caasimada ee Kampala, wuxuuna sheegay in markii la baarey meydkii gabadha geeriyootay laga heley inay u dhimatey xanuunka Ebola.
Feyruska Ebola ee sababa xanuunkan ayaa asalkiisi ore ka yimid hilibka eyda iyo bisadaha oo wadanka Yugaandha laga cuno, waxaana sidan oo kale cudurkan uu uga dilaacay wadamada Kongo iyo Koonfurta Suudaan sanadihii 1976.
Afrikaanka kirishtanka ayaa faqriga ay ku nool yihiin darteed waxay hilbo u raadsadaan xayawaanada sida daanyeerka, bisadaha iyo eeyda, halka kuwo qaarna ay cunaan doofaarka [qansiirka]. Kaasoo sababa in xanuuno aan mar hore dunida looga garan jirin uu ka dhasho.
Calaamadaha cudurka waxaa ka mid ah qadho xoogan, madax wareer, dhiigbax gudaha iyo dibada jirka, murqo xanuun, shuban, hunqaaco iyo cunaha oo barara, waxaan dhakhaatiirtu sheegeen in dadka uu ku dhaco 90% ay u dhintaan.
Arinta kale ee khatarta leh waxay tahay in cudurka weli aan loo heyn wax daawo ah iyo talaal midna, isla markaana wuxuu ku faafaa si deg deg ah oo waxay dadku isugu gudbin karaan neefta, taabashada iyo faraha qofka cudurka oo ku soo gaara arintaasi oo ah ida dad badan oo ku nool gudaha Yugandha ay cabsi ka qaadeen.
Warbaahinta wadanka Yugandha ayaa sheegtay in hada baaritaan lagu hayo 30 ruux oo ahaa eheladii gabadhii u geeriyootey cudurka kuwaasoo sidoo kale laga cabsi qabo iney ka qaadeen cudurka maadaama ay la joogeen gabadhii geeriyootey intii ay jiraneyd.
Amar ay Dowlada Yugandha soo saartey ayaa ah in dadku ay isu dhowaan, in laga fogaado guryaha dadka badan ku wada nool yihiin iyo in meydadka dhintey deg deg loo aaso.
Waxaa sidoo kale dadka looga digey hilibka daanyeerka iyo bisadaha ee wadamada Afrikanka qaar ay cunanaan.

Related posts: