Kooxda Qibdhiyiinta ee kirishtanka Masar ayaa kaniisad ay ku leeyihiin magaalada Qaahira waxay ku afduubeen haweeney Masriyad ah oo soo Islaamtay kadib markii ay ka diiday inay ka joogto Islaanimada ay dooratay.
Warbaahinta dalka Masar ayaa shaaca ka qaadey in Kaamil Shahata oo ku dhalatay Masar ay go’aansatay inay ka baxsato nin Kirishtan ahaa oo ehelkeeda si qasab ah ugu guuriyeen sanado ka hor taasoo iyaduna ku gacan seyrtey ayna sheegtey in dooratey Islaanimada.
Muslimiin ka careysan falkaasi afduubka ah ee loo geystey Kaamila ayaa u gurmaday iyadoo weerar ku qaadey kaniisada Qibdhiga kadibna gubay, waxaana rabshado culus oo dhexmarey Muslimiinta iyo Kirishtanka ay sababeen dhimashada 12 ruux iyo dhaawacyo ka badan oo ruux.
Warbaahinta Masar ayaa soo tebisay in booliis fara badan la geeyey goobta dhacdadu ka dhacdey iyadoo booliska ay sheegeen inay baarayaan falkaasi afduubka ah ee loo geystey gabadhaasi dooratey inay ka baxdo mugdiga gaalnimada ayna gasho nolosha iftiinka ee Islaanimada.
Inkastoo kooxaha kaniisadaha u hadla ay beeniyeen in Kaamila la qasbay hadana warbixinada lagu kalsoon yahay waxay sheegeen in Kaamila ay markeedii hore ka carartey ehelkeeda oo gaalo ahaa ayna dooneysay inay raacdo dad Muslimiin ah ka dib markii ay qirtey Shahaadateynka.
Kirishtanka ayaa 10% ka ah wadanka Masar waxaana sanad kasta boqolaal dhalinyaro ah ay soo galaan islaanimada kadib marka ay fahmeen xaqiiqada nolosha iyo xeeldheeraanta Islaamka oo Alle u bidhaamiyo, waxayna tirakoobyo la faafiyey soo bandhigeen in arimaha ugu weyn ee dhalinyarada kirishtanka Masar kaga soo baxaan ee ay ku soo islaamaan ka mid ah Kirishtanka oo baybalkooda ku soo qorey inuusan jirin wax furriin la yiraahdo oo ragga iyo dumarku isfuri karin balse Islaamku uu si wanaagsan arinkaa ugu qeexay Kitaabka iyo Sunaha.

Related posts: